Waxaa maanta si diiran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee garaad wiil waal international Airport ee xarunta DDSI wafti balaadhan oo ka socday wasaarada caafimaadka JDFI, xafiisyada caafimaadka ee dhamaan deegaanada dalka iyo 2da ismaamul magaalo, jaamacadaha dalka, khabiiro caafimaad oo ka socday hay’adaha caalamiga ah iyo wakiilo caafimaad oo ka socday wadamada aan dariska nahay.
Waftigan ayaa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaraha ee garaad wiil waal masuuliyiin sare oo heer deegaan ah oo ay ka mid yihiin. Wasiirka caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali, madaxwaynaha jaamacada jigjiga mudane Dr Cabdicasiis Ibraahin, wasiir ku xigeenka Xafiiska tababarada xirfadaha iyo farsamada DDSI mudane Cabdirisaaq Saxane, maareeyaha kuliyada macalimiinta DDSI mudane Maxamuud Axmed, maayirka maamulka magaalada jigjiga mudane Axmed Maxamed, masuuliyiin kale iyo kooxaha fanka iyo suugaanka DDSI.
Wasiirka xafiiska caafimaadka DDSI mudane Xasan Ismaaciil Cali oo qolka nasashada ee garoonka diyaardaah garaad waiil waal kula hadlay warbaahinta Deegaanka ayaa sheegay in ujeedada socdaalka waftigani tahay ka soo qaybgal ka shirwaynaha 1aad ee lagu soo bandhigayo daraasaadka iyo doodcilmiyeed ku salaysan sidii xal waara loogu heli lahaa cudurada la dayacay ee ka dhasha kulaylaha kaasi oo maalinta barito ah ka furmaya caasimada DDSI. wasiirka ayaa tilmaamay in uu yahay shir heer caalami ah islamarkaana uu yahay shirwaynihii 1aad ee lagu qabto dalka. kaasi oo ka dhacaya caasimada DDSI ee jigjiga.
Comments are closed