Michael Keating: Jubbaland waxa ay ku talaabsatay nabad gelyo & hormar

kismaayoKismaayo (NogobNews) 22/07/2016

Madaxweynaha Jubbalanad iyo Wakiilka Qaramada midoobay ee Soomaaliya ayaa  si wadajir ah Saxaafadda ugula hadlay Aqalka Martida ee Magaalada Kismaayo isla markaana ka hadlay waxyaabihii ka soo baxaya kulankooda..

Michael Keating Wakiilka Qaramada Midoobay oo shalay soo gaaray Magaalada Kismaayo waxaa uu xalay ku hoyday Aqalka Martida waxaana uu xusay in uu la dhacay Hormarka mudada kooban ee Jubbaland ay jirto ka hirgalay Magaalada kismaayo.

“Iyadoo Afar Sano oo kaliyah ay Al.shabaab ka Xoraysan tahay Magaalada Kismaayo Jubbalan-na ay jirto Afar Sano oo kaliyah waxaa muuqda Hormar filan waa ah oo dhinacyada Nabadgalyada Maamulka suuban iyo dib u dhiska ah” ayuu yiri Michael Keating

Dowlada Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ayuu xusay in ay kaalmo la garab taagan yihiin waxaana uu xusay in Dhinacyada Soomaalidu ay ku daydaan Jubbaland.

Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa dhankiisa sheegay in mudada uu halkan joogay Michael Keating ay ka wada hadleen arrimo badan oo dhinaca ammaanka ay si gaar ah diirada u saareen waxaana uu u rajeeyay Soomaaliya Nabad iyo Homar isagoo xusay in ay muhiim tahay in la iska kaashado Nabadgalyada si guud isla markana loo midoobo la dagaalanka Al.shabaab.

Comments are closed