Xaflad ay ku qalin-jabinayeen boqolaal arday ah oo dhameystay wxbarashada Jaamacadda Modern University for Science and Tachnology (MUST) , ayaa ka dhacday Hotelka SYL ee Muqdisho, waxaa ka qayb-galay madax ka tirsan Dowladda FS, Jaamacadaha, Ururada bulshada, warbaahinta iyo maamulka Jaamacadda Modern.
Ardaydn oo ah Dufcaddii Koowaad ee ka qalin-jebisay Modern ayaa dhammeysatay derajada Koowaad ee Bachelor, waxayna ka qaateen shanta kulliyadood oo kala duwan, kuwaasi oo ka tirsan Jaamacadda Modern ka kooban tahay .
Sidoo kale, Ardayda ka Qali- jabisay Jaamacadda Modren ayaa wax ka dhiganayay Kulliyadaha Cilmiga Caafimaadka, (Health Science), Information Technology (IT), maamulka Hay’adaha Dowladda, Cilmiga Bulshada iyo Sharciga iyo Qaanuunka.
Xafladda qali-jabinta waxaa ka qayb galay wasiir ku xigeenka Waxbarashada XFS, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Xildhibaanno, madaxda Jaamacadaha iyo guud ahaan Qaybaha bulshada.
Xildhibaan Faarax Sh. C/qaadir oo ka mid ahaa mudanayaashii ka hadlay Xafladda ayaa yiri. “Manhajka, Buugta iyo Tacliinta aan bareyno Ardayda ee Waxbarashada aan u adeegsano dad ayaa dejiyey, Jaamacadaheenu waa in ay gaaraan heer ay waxbarashadu ka timaaddo, aad ayaan ugu faraxsanahay in aad heerkan soo gaartaan.”
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Sheekh Yuusuf Xuseen Jimcaale oo isagana ka mid ahaa madaxda ka qayb gashay munaasabadda Qalin-jebinta ee Jaamacada Modern ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay kaalinta ay ka qaadatay Jaamacadda Modern soo saaridda dhallinyaro aqoon iyo tacliin leh kuwaasi oo ka qayb qaadan kara hagaajinta dalka iyo hoggaankaba.
Waziir ku xigeenka Tacliinta Sare oo ka Hadley Munaasabadda qalin jabinta ayaa ku booriyay Maamulka iyo Macalimiinta Jaamacadda dadaalka ay ugu jiraan soo saaridda dhalinta wax baratay, wuxuuna ku amaanay inay Jaamacadda oo 4-sano jirsatay Dufcadii Kowaad ku soo saarto ku dhawaad 200 oo heysata takhasusyo kala duwan, oo dhamaantood aad loogu baahan yahay.
Ardayda ka qayb gashay xafladda qali-jebinta, Barayaasha jaamacadda Modern iyo maamulkeeda ayaa u muujiyey ka soo qayb galayaashii munaasabadda sida ay uga go’an tahay hagaajinta tayada iyo qiimaha tacliinta dalka.
Ugu dambeyn, Jaamacadda Modern waxa la aasaasay Sannadkii 2012, taasi oo maanta ku soo began tahay soo saaridda Dufcaddii Koowaad ee ardayda. Waxa ay hadda ka mid tahay Modern University Jaamacadaha ugu horreeya magaalada Muqdisho.
Comments are closed