Daawo Germany, France iyo Italy oo sheegay inay xoojin doonaan iskaashiga & Amaanka EU-da

edGermanay (NogobNews) 23/06/2016

Hogaamiyayaasha dalalka Germany, France iyo Italy ayaa Isniintii shalay kulan aan caadi ahayn ku yeeshay Jasiirada Ventotene ee ku taal dalka Talyaaniga, iyagoona ka wadahadlay sidii loo adkeyn lahaa amaanka iyo Iskaashiga Midowga Yurub kadib markii dalka UK isaga baxay EU-da.

 

Kulankan ayaa ka dhacay dusha Markab dagaal oo uu Talyaaniga leeyahay oo ah nooca Xambaara Diyaaradaha dagaalka oo lagu magacaabo Garibaldi, kaasi oo ka qeyb qaadanaya hawlgalada loogu gurmanayo dadka Tahriibta ah ee ka imaanaya qaarada Afrika.

Hogaamiyayaasha-Italy-Germany-France3

Raysalwasaaraha Talyaaniga Matteo Renzi, Haweenayda Hogaamisa Germany Angela Merkel iyo Madaxweynaha Faransiiska Francois Hollande ayaa sheegay in ay xoojin doonaan iskaashiga amniga dalalka EU-da iyo sidii looga hortagi lahaa weeraro uga yimaada dhinaca kooxda Daacish, sidoo kale waxay sheegeen inay bilaabi doonaan mashaariic cusub oo dhaqaale oo shaqo abuuris loogu sameenayo dhalinyarada, walow aysan bixin wax faah faahin ah.

Hogaamiyayaasha-Italy-Germany-France2

Goobta uu kulankan ka dhacay ee Jasiirada Ventotene ayaa ah goob taariikhi ah oo la sheego inay tahay halkii lagu qoray Manafeestadii ugu horeysay ee looga hadlayo dhismaha Midowga Yurub, waxaana qoray aqoonyahano uu kamid ahaa Altiero Spinelli oo ay dowladii Fashiistaha ee 1940kii ka talin jirtay Talyaaniga ku xirtay jasiiradaasi. Waxayna aqoonyahanadaasi intii ay jasiiradaasi ku xirnaayeen soo saareen qoraalkii loo yaqiinay “Ventotene Manifesto” oo ay uga hadlayeen dhismaha nidaam Federaal ah oo lagu mideeyo dalalka Yurub, si looga hortago dagaalada soo-jireenka ahaa ee u dhaxeeyey wadamada Yurub.

Comments are closed