Dabaabadaha Turkiga oo gudaha u galay dalka Siiriya

turkigaTurkiga (NogobNews) 24/07/2016

Dabaabadaha dagaalka ee Turkiga ayaa markii u horeysey gudaha u galay ciida dalka Siiriya hawlgal culus oo ka dhan ah ISIS iyo weliba jamhadda Kurdiyiinta ee YPG.

 

Taangiyada Turkiga ayaa subaxnimadii maanta oo Arbaca ka gudbey xuduuda, waxaana ay duqeyn xoggan ka geysteen magaalada Jarablus ee Daacish ay haysatey. Dhanka cirka waxaa ka duqeynayey diyaaradaha dagaalka ee isbahaysiga Maraykanku hoggaamiyo ee ka soo horjeeda nidaamka Bashar Assad iyo kuwa isku magacaabey Dowladda Islaamka ee loo yaqaan IS/Daacish.

Sida ay qortey Wakaaladda AFP jamhadda laga taageero Ankara ayaa la wareegtey Waqooyiga magaalada Jarablus, waxaana ay u badan tahay in malayshiyaadka Daacish ay magaalada ka baxsadaan saacadaha soo socda.

Turkiga ayaa khatar weyn uga timid kooxda Daacish kadib markii ay weerar ku qaadeen Aroos ka dhacay magaalada Gaziantep halkaas oo weerar ismiidaamin ah lagu diley 54 qof, dhanka kale Turkiga ayaan dooneyn in Jamhadda YPG ee ay leeyihiin Kurdiyiinta Siiriya ay qabsadaan dhulka xuduudka ah ee Siiriya la wadaagto Turkiga, waxaana dagaalka Dabaabadaha Turkigu ku wajahan yahay laba qolo oo iska soo horjeeda oo kala ah YPG iyo Daacish.

Maalintii Axadda ayaa Turkigu ku dhawaaqey in ay bilowday hawlgal ay xaduudeeda uga sifeenayso kooxaha Daacish iyo Jamhadaha Kurdida ee ka dagaalama dalka ay jaarka yihiin ee Siiriya

Comments are closed