Kulan balaadhan oo lagaga hadlayay arimaha xisbiga gaar ahaan ayaa ka dhacay madasha shirarka ee degmada awbare.
Hadaba kulankan oo ay kasoo qaybgaleen masuuliyiinta xisbiga ee degmada, qaar kamid ah kabaneega degmada, xubnaha unug aas aasiga ee ka dhisan xafiisyada kala duwan ee degmada awbare,ayaa waxaa ugu horayn ka hadlay gudoomiyaha degmada awbaremudane maxamed cabdi faarax oo sheegay in ujeedada kulankan uu yahay habsocodka shaqo ee xubnaha unug aas aasiga xisbiga ay qabteen sanadkan dhamaadka ah ee 2008 TI iyo in lasii dardar galiyo xubnahan unug aas aasiga ah si ay usii wadaan ku baraarujiyaan shaqaalaha kala duwan ee xafiisyada degmada nidaamka xisbinimo. Iyo in laga shaqeeyo nabadgalyada horumarka iyo maamulaka suuban ee ka hanaqaaday deegaanka.
Dhanka kale waxaa iyana kulanka kahadlay qaar ka mida ah xubnaha unug aas aasiga ah oo xusay inay shaqooyin fiican qabteen sanadan iyagoo intaa ku daray inay sii laba jibaarayaan dadaalkoodo shaqo ee xisbinimo ay kawadaan shaqaalaha xafiisyada kala duwan ee degmada.
Comments are closed