Magaalada Cizre oo u dhaw xaduuda wadanka Turkiga la wadaago dalalka Ciraaq iyo Siiriya ayaa waxaa ku badan Qawmiyada Kurdida, waxaana horey magaaladaasi bilihii lasoo dhaafay uga dhacay iska horimaadyo u dhaxeeya taageerayaasha kooxda PKK iyo ciidamada amaanka Turkiga.
Qaraxan ayaa lala beegsaday ciidamada Turkiga xili dowlada Turkiga ay ciidamadeeda u dirtay gudaha wadanka Siiriya, waxaana lagu soo waramayaa in ciidamada Turkiga ee hada gudaha ugalay Siiriya ay sidoo kale la dagaalameen xoogaga Kurdida Siiriya ee loo yaqaa YPG oo ku sugnaa goobaha ku dhaw magaalada Jarablus oo ay shalay ciidamada Turkiga xoog uga saareen kooxda Daacish.
Turkiga ayaa Arbacadii ku dhawaaqay inuu bilaabayo olole ka dhan ah kooxaha Daacish iyo kuwa Kurdida oo ay uga sifeenayaan xaduuda uu wadankaasi la wadaago dalka Siiriya.
Comments are closed