Hogaanka Ciidamada Amaanka ee dalka Canada ayaa soo saaray go’aan kama danbeys ah oo la xiriira in haweenka Muslimiinta ah ee ka tirsan Askarta dalkaasi ay xiran karaan Xijaabka xiliga ay shaqada ku jiraan.
Afhayeenka Taliska Booliiska ayaa sheegay in go’aankan uu yahay mid ay ku tixgelinayaan dhamaan bulshooyinka kala duwan ee ku dhaqan dalkaasi iyo ixtiraamida dhaqamada kala duwan ee shacabka dalkaasi.
Waxaa iyagu jiray kooxo xagjir ah oo ka tirsan cadaanka Canada oo iyagu kasoo horjeeday go’aankan isla markaana u ololeenayey in askarta aysan xiran karin Xijaabka xiliga ay shaqada kujiraan, waxayna qaarkood ku doodeen inay kasoo horjeedaan shariicada Islaamka. Balse ololaha kooxahan ayaan ku guuleysan inay ku cadaadiyaan taliska Booliiska inay go’aankan dib uga noqdaan.
Comments are closed