Daawo France: Maxkamada Sare oo ka hortimid go’aankii lagu mamnuucay dharka Burkini – VIDEO

franceFrance (NogobNews) 27/07/2016

Maxkamada Sare ee dalka France ayaa Jimcihii shalay soo saartay go’aan ay uga hortimid mamnuucida dharka ay xirtaan haweenka muslimka ah xiliga ay bada ku dabaalanayaan ee loo yaqaan [Burkini]

France-Dooda-Burkini2

In ka badan 30 magaalo oo intooda badan ku yaal xeebaha koonfureed ee wadanka France ayaa bishan soo saaray go’aano lagu mamnuucayo in haweenka xiran karaan dharka Burkini xiliga ay ku sugan yihiin xeebta. Go’aankan oo ay si weyn u taageereen qaar kamid ah Shacabka Faransiiska iyo kooxaha Islaamka neceb.

Maamulada magaalooyinka xeebta ku yaal ayaa qaarkood bilaabay inay Askarta Booliiska u diraan inay ganaax u qoraan haweenka muslimiinta ah ee qaba dharka Xijaabka oo lagu arko xeebta.

France-Dooda-Burkini

Balse dacwad ay maxkamada Sare u gudbiyeen ururada Xaquuqul Insaanka ayaa lagu sheegay in go’aankan lagu mamnuucayo dharkan ay xijaabka ka dhigtaan haweenka muslimiinta ah xiliga ay dabaalayaan uu yahay go’aan khaldan oo ka hor-imaanaya xaquuqda Shaqsiyadeeda iyo Xoriyada Muwaadiniinta.

Maxkamada Sare ayaa ku raacday ururada Xaquuqul Insaanka in mamnuucida Burkini uu ka horimaanayo sharciga dalka France isla markaana uu jabinayo qawaaniinta illaalisa xoriyada Muwaadinka. Maxkamada ayaa si kumeel gaar ah u sheegtay in aan la mamnuuci karin Burkini, waxaana la filayaa inay soo saarto dhawaan go’aan kama danbeys ah.

Go’aanka Maxkamada Sare ayaa waxaa si weyn usoo dhaweeyey ururada u dooda xaquuqda Insaanka iyo Muslimiinta, balse Xisbiyada Mucaaridka oo xiligan ka faa’iideysanaya muslim naceybka ka jira wadankaasi ayaa sheegay in hadii ay ku guuleystaan doorashada sanadka soo socda 2017 ay hirgelin doonaan sharciyo lagu mamnuucayo dareeskan.

France-Dooda-Burkini-Sarkozy

Nicolas Sarkosey oo horey usoo noqday Madaxweynaha hadana hogaamiya mid kamid ah xisbiyada Mucaaridka ayaa sheegay in haduu doorashada soo socda ku guuleysto uu mamnuuci doono dharka noocaan ah, waxaa sidoo kale arrintan u ololeenaya xisbiga Cunsuriga ah ee dalka France ee loo yaqaan National Front.

Muslimiinta ku dhaqan koonfurta dalka France gaar ahaan magaalooyinka laga mamnuucay Burkini ayaa maalmihii lasoo dhaafay bilaabay inay u dalxiis tagaan magaalooyinka wadanka Talyaaniga ee u dhaw, arrintaasi oo ay si weyn usoo dhaweeyeen Talyaaniga oo doonaya inuu isaguna ka faa’iideysto lacagta kasoo galeysa dalxiisayaasha uga imaanaya dhinaca France.

Comments are closed