Dowladda Masar oo sheegtay inay ka taageerayso Dowladda Somalia Dhinaca Sugidda Ammaanka

muqdishoMuqdisho (NogobNews) 27/07/2016

Xukuumadda Masar ayaa shaacisay inay Soomaaliya ka taageerayso sugidda Amniga Somalia, iyadoo tallaabadan ay noqonayso tii ugu horreysay oo ay Masar gacan uga geysanayso ammaanka guud ee Soomaaliya.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Masar ayaa xusay in Dowladda Masar ay ka xun tahay Weerarrada ay Al-shabaab ka geystaan Soomaaliya.

Sidoo kale, Masar waxay sheegtay in Somalia ay ka kala shaqeyn doono sidii looga Hor-tagi lahaa Weerarada ay geystaan Kooxaha Al-Shabaab ee ka Dhaca Gudaha Soomaaliya.

Xukuumadda Masar ayaa xustay inay xoojinayso taageerada dhanka amniga ee ay siiso dowladda Soomaaliya. Masar waxay sheegtay in ay ka shaqeyn doonto sidii nabad iyo amniga ay ku nool lahaayeen dadka Soomaaliyeed.

 

Comments are closed