Jaaliyadda DDSI oo kaalinta koowaad ka gashay bandhig dhaqameed lagu qabtay Waddanka Sweden
Sweden (NogobNews) 27/08/2016
Bandhig si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa uu ka dhacay Magaalada Kristianstad ee Gobolka Skåne Waddanka Sweden. Bandhiggan ayaa waxaa ka soo qeybgalay Dhammaan jaaliyadaha ku nool waddankaan Sweden , waxaana lagusoo bandhigayay Cuntooyinka Waddan walba uu ku faano.
Munaasabaddan waxaa agaasimay Naadi ka mid ah Naaadiyada Waddankaan ugu waa weyn oo lagu maga caabo ( KULTURDAGE) Shirkada Waaxda is-dhexgalka Bulshada ee ABK degmada Kristianstad, waxaana bandhiggaan lagu casuumay oo xarigga ka jaray Mudane ÅKE KJELL Madaxa Arrimaha dhaqanka, Saraakiil sare oo Police ah.
Jaaliyadda deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa Bandhiggan si weyn uga dhex muuqanayay ,waxayna soo bandhigeen Cuntooyinka deegaanka Somalida itoobiya ay
hidaha iyo dhaqanka ay u leedahay oo u gaarka ah sida Oodkaca, ama Luqmada, Caanaha Geela, Canjeerada, Suugada, Saanbuuska, Hilibka Geelka iyo waxyaalo badan. Sidaas oo kale waxay soo bandhigeen agabka hiddaha iyo dhaqanka u leedahay, sidoo kale waxay soo bandhigeen ciyaaro dhaqameed iyo majaajillooyin iyo Hal-xiralayaal.
Sida oo kale Waxay Soo daabaceen Book ka shekaynaya Tariikhda deegaanka iyo waxyaalaha ay Taarikhiga ku tahay deegaanka oo ay Bandhiggaaas ka gashay kaalinta koowaad, waxaana u hambalyeeyay dhammaan Masuuliyiintii ka soo qaybgalay xafladdaan.
Xafladdaan Bandhigga ahayd ayaa markii Jaaliyadda deegaanka Somalida ay ku guulaysteen Kaalinta koowaad ayaa Gudoomiyaha Guddiga dhaqanka Bandhiga Jaaliyadda DDSI Ee Sweden Mudane C/risaaq C/laahi Sh Bixii iyo cabdi caydiid ayaa Warbaahinta u sheegay
waddankaan Sweden Jaaliyadda Dawlada deegaanka Somalida itoobiya ee wadan kaan Sweden uga war bixiyey Dhaqankeena Somalida itoobiya in uu ka mid yahay deegaannada dalka itoobiya ugu khayraadka badan waxaa kale oo uu uga warbixiyay jaaliyaddaha Waddanka Sweden ku nool, waxyaabaha ay ku heystaan deegaanka kuna booriyey in ay soo booqdaan deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Comments are closed