Kulan Lagaga hadlayay Sii Xoojinta Horumarka iyo Nabadgalyada oo Ka dhacay Awbare

Awbare Awbare (NogobNews) 29/08/2016

Waxaa ka dhacay hoolka shirarka ee degmada Awbare kulan balaadhan oo lagaga hadlay sii xoojinta iyo hirgalinta qorshayaasha horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban.

Awbare Waxaana ka soo qayb-galay kulanka  masuuliyiinta maamulka degmada Awbare oo uu ka mid yahaygudoomiyaha degmada awbare mudane Maxamed Cabdi Faarax, qaarka mid ah xildhibaanada DDSI ee laga soo doorto degmada awbare oo ay horkacayso xildhibaan Saxarla Cabdilaahi oo ka mid ah  xildhibaanada deegaanka ee heer fadaraal ahna gudoomiye ku xigeenka gudiga joogtada ah ee arimaha haweenka iyo caruurta ee golaha wakiilada shacabka JDFI.

Kulankaasi oo uu furay gudoomiyaha degmada awbare mudane Maxamed Cabdi faarax ayaa waxa si qoto dheer loogaga hadlay sidii loo sii xoojin lahaa hirgalinta qorshyaasha horumarineed, taasi oo ay xubnaha xildhibaanada iyo gudoomiyaha degmaduba soo bandhigeen jihooyinka, iyo istaraatajiyadaha  u dajisan dalka iyo deegaanka ee ku salaysan cidhibtirka saboolnimada iyo abuuritaanka ilaha shaqada. Waxayna sharax dheerka siiyeen qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada awbare doorka  ay  bulshada ku leeyihiin hirgalinta qorshayaasi.

Awbare Dhankooda qaybaha kala duwan ee bulshada oo ka hadlay kulankaasi ayaa sheegay in ka soo baxayaan kaalinta kaga aadan hirgalinta hawlaha horumarka nabadgalayada iyo maamul wanaaga sida xawliga ah uga socda DDSI.

Comments are closed