Dhanka kale, Askari ka tirsan Ilaalada madaxtooyada Somalia ayaa sheegay inuu ka dhacay qaraxu inta u dhexeysa madaxtooyada Somalia iyo Hotel SYL, wuxuuna u sheegay VOA-da in gaariga qarxay uu ku socday xawli oo ay awoodi waayeen in ay joojiyaan.
“Baabuur xawli ku socda ayaa nasoo galay, rasaas digniin ahayd ayaan hawada ugu ridnay, balse markii uu joogsan waaya ayaan toos u rasaaseynay, kaddibna bartamaha laamiga ayuu ku qarxay,” ayuu VOA-da u Askarigan ka tirsan Ciidamada ilaaliya Madaxtooyada Somalia oo qariyay magaciisa.
Qaraxan ayaa wuxuu geystay burbur xooggan oo soo gaaray Hoteelka iyo goobo ku dhaw, waxaana dadka dhibaatadu soo gaartay ka mid ahaa dad shacab ah oo ku sugnaa agagaarka madaxtooyada Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horreysay oo ay Al-shabaab qaraxyo noocan oo kale ah la beegsato xarunta Madaxtooyada Somalia ee Muqdisho iyo Hotel SYL oo kasoo hor-jeeda Villa Somalia.
Comments are closed