Kulan Casho-Sharaf Jaaliyadda DDSI ay u Sameeyeen Mudane C/casiis Seraar Xaashi

DdsiLondon (NogobNews) 30/08/2016

Waxaa magaalada London xaflad casho-sharaf ah loogu sameeyay Gudoomiyaha Jaaliyaddaha Scandinavian Mudane C/casiis Seraar Xaashi, taasoo ay soo agaasimeen  Xubno Sare Jaaliyadda DDSI Ee UK.

20160830_064909Cashada ayaa waxaa ka qaybgalay mas’uuliyiin ka tirsan Jaaliyadda DDSI oo ay ka mid yihiin Gudoomiye Kuxigeenka Jaaliyadda DDSi ee UK, iyo Xubno ka tirsan Ururka Haweenka Jaaliyadda DDSI

Mudane C/casiis Seraar Xaashi ayaa uga Mahad Celiyay Mas’uuliinta Jaaliyadda sida Sharafta leh ay u soo dhaweeyeen isla markaana Casho-Sharaf Qaali ah ay ku shar-fayaan waxey ii tahay Habeyn qaali ah Iyo Qiimo badan Taasi waxey Tusaale u tahay in dhamaan Qurbajoogta DDSI in Xidhiidh wanaagsan uu kawada dhaxeeyo taasi waxaa kaaney Xisbiga dimuqoraadiga Shacabka Somalida itoobiya oo ah Xisbiga Midnimo Qaran ku dheehan oo uu hoggaaminayo Madaxweynaha DDSI Mudane Cabdi Maxamuud Cumar.

20160830_064743Shirweynihii qurbajoogta DDSi ee Magaalada jigjiga lagu qabtay ayaa Qaarada yurub ka gashay kaalinta Koowaad dhanka maalgashiga dhanka hiddaha iyo dhaqanka sanadka dambe waxaanu rajeyneynaa guul inta iyo in kabadan  Xaflada Casho-Sharafta ayaa ku soo gabagabowday guud iyo farxad

Comments are closed