Maamulka Jubbaland oo dib u celiyey qaxootiga ka imaanayey xerada Dhadhaab

dhadhaabKismaayo (NogobNews) 30/08/2016

Maamulka goboleedka Jubbaland ayaa hakiyey qaxootigii laga soo celinayay xerada qaxootiga Dhadhaab ee dalka Kenya.

Jubbaland ayaa arintan ku sheegtay kadib markii looga baxay ballan horey looga qaaday oo ahayd in dadka la soo celinayo la siinayo adeegyada ay u baahan yihiin marka ay gudaha Soomaaliya ku soo noqdaan.

Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga ee Jubbaland-Soomaaliya Jeneraal Maxamad Warsame Darwiish ayaa sheegay in qaxootiga ay haatan ku hakiyeen magaalada Dhoobley isla markaana u ogolaan doonin in ay gudaha u soo galaan Jubbaland maadama aysan qaadi karin culeyska iyo tirada qaxootiga soo noqonaya.

…Waxaa la gaaray heshiis seddex geesood ah, anagana waxaa nagala codsay dhul la dejiyo qaxootigaasi, weynu diyaarinay, Jubbaland waxaa gudaha u soo galay 15,000 oo qaxooti ah, wax loo diyaariyey ma jirto, dadkaasi waxa ay heysteen waxbarasho, caafimaad iyo nolol anagana ma qaadi karno ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga ee Jubbaland-Soomaaliya Jeneraal Maxamad Warsame Darwiish.

Waxa uu intaasi ku daray wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga ee Jubbaland-Soomaaliya Jeneraal Maxamad Warsame Darwiish dhammaan dhulka la bixiyey uusan lahayn xarumo caafimaad, biyo, waxbarasho iyo saldhig boolis, iyadoo dhulkaasi uu yahay dhul bannaan.

Qaxootiga Soomaaliyeed ee ka soo laabanaya xeryaha qaxootiga ee dalka kenya ayaa mudooyinkan ka cabanayey in ay ku dhibaataysan yihiin xeryahaasi.

Comments are closed