Madaxweynaha DDSI oo dib ugu soo Laabtay Xarunta Maamulka DDSI Ee Magaalada Jigjiga

Madaxweynaha DDSI oo dib ugu soo Laabtay Xarunta Maamulka DDSI Ee Magaalada Jigjiga Jigjiga  (NogobNewa) 30/08/2016

Madaxweynaha Dawlada deegaanka Soomaalida Itoobiya Mudane Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa Dib ugu soo laabtay Xarunta Maamulka DDSI Ee Magaalada Jigjiga, kaddib markii uu booqasho Shaqo ku gaadhay Xarunta dalka ee Magaalada Addisababa. Madaxweynaha ayaa intii uu Joogay ayaa wuxuu ka Qeybgalay Shirweynihii Golaha Dhaxe Ee EPRDF oo ay ka soo Qeybgaleen Dhamaan Mas’uuliinta ugu Sareysa dalka

Madaxweynaha & wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Magaalada Jigjiga si Maqaam Sare loogu soo dhaweeyay wuxuuna Qaban doona shir jaraa’id oo kaga warbixin doona Shirkii qiimaynayay waxqabadkii lixdii bilood ee lasoo dhaafay iyo xaalada guud ee dalka

Comments are closed