Weerar is-miidaamin ah ka dhacay safaaradda Shiinaha ee dalka Kirgistan

shinahaShiinaha (NogobNews) 30/08/2016

Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyoodey saddex kalena waa ku dhaawacmeen qarax ka dhacay dhinaca safaaradda Shiinuhu ku lee yahay caasimadda dalka Kyrgyzstan ee Bishkek.

Qaraxa ayaa lagu fuliyey gaari ku qarxay dhinaca safaaradda, sida laga soo xiganayo maamulka deegaanka. Qofka geeriyoodey ayaa la sheegayaa in uu ahaa wadihii gaariga.

Muuqaal Fiidiyow ah oo laga siidaayey Wrbaahinta Dowladda ee Kabara, ayaa muujinaya qiiq qariyey gurga safaaradda Shiinaha. Booliska ayaa sheegaya in gaarigu qarxay ka hor inta aanu ku dhicin albaabka Safaaradda.

Xog laga heley kuwo ka tirsan adeega amniga ee Kyrgyzstan ayaa sheegaya in loo badinaayo in qaraxu ahaa mid ismiidaamin ah. Hay’adda sirdoonka Kirgistan ee GKNB ayaa diidey in ay faahfaahin ka bixiso qaraxa.

Dalka Kyrgyzstan ayaa ku yaala bartamaha Aasiya, waxaana ay dhacdaa dhanka galbeed ee Shiinaha. Kyrgyzstan waxay horey uga tirsanaan jirey Midowgii Sofiyeeytiga ee burburey 25 sano ka hor.

Comments are closed