Donald Trump ayaa amaan badan kala dul dhacay shacabka Mexico isagoona sheegay in labada dal xariir dheer ay leeyihiin isla markaana loo baahan yahay in arrimaha dhex yaal ay si wadajir ah u xaliyaan.
Trump ayaa kadib booqashadiisii Mexico wuxuu khudbad kasoo jeediyey magaalada Phoenix ee gobalka Arizona ee dalka Maraykanka, halkaasi oo uu ka shaaciyey xog dheeraad ah oo la xariira qorshihiisa ku aadan dadka soogalootiga ah isla markaana markale ku celiyey inuu dhisi doono darbi uu ku xirayo xaduuda Mexico iyo imtixaan laga qaadi doono dadka muslimiinta ah ee doonaya inay ku noolaadaan wadankaasi Maraykanka.
Murashaxa Xisbiga Jamhuuriga ayaa lagu yaqaan inuu hadalo is burinaya uu ku hadlo, waxayna khudbadiisa ugu danbeysay ee Arizona muujineysaa inuu ku raali gelinayo taageerayaashiisa xagjirka iyo cunsuriyiinta ah oo si weyn u jecel in cadaadis la saaro dadka laga tiro badan yahay ama soogalootiga.
Comments are closed