Daawo Gabon: Rabshado ka dhashay guushii doorashada ee Madaxweyne Bongo – VIDEO

Gabon-mudaharaadGabon (NogobNews) 01/09/2016

Guddiga Doorashada ee dalka Gabon ayaa shaaciyey in Madaxweynaha dalkaasi Cali Bongo uu ku guuleystay doorashada Madaxweynaha, balse waxaa go’aankan ka horyimid hogaamiyaha mucaaridka Jean Ping oo sheegay in lagu shubtay doorashada.

Xubnaha Mucaaridka uga mid ahaa guddiga Doorashada ayaa sidoo kale beeniyey natiijada Doorashada oo ay ku sheegeen mid la musuq maasuqay, halka guddiga ka socda Midowga Afrika ay walaac ka muujiyeen wax isdaba marin lagu sameeyey cododka ay dadka dhiibteen.

Qoyska reer Bongo ayaa kasoo talinayey dalkaasi Gabon muddo 49 sano ah, guusha Cali Bongo ayaa markale siineysa xukunka muddo 7 sano ah.

Gabon-Baarlamaan

Dad ka careysan natiijada doorashada ayaa banaanbaxyo kadhigay magaalooyinka waaweyn, mudaharaadka caasimada ka dhacay oo rabshado watay ayaa la sheegay in dad careysan ay dab qabadsiiyeen xarunta Baarlamaanka.

Comments are closed