Daawo Madaxweynaha Uzbekistan oo xaalad halis ah ku jira iyo warar sheegaya geeridiisa – VIDEO

uzbek_hoggaamiyeUzbekistan (NogobNews) 02/09/2016 

 

Xaaladda caafimaad ee Madaxweynaha dalka Uzbekistan Islam Karimov ayaa ah mid aad u xun, sidaas waxaa sheegay afhayeen u hadley xukuumadda Uzbekistan, sida uu qorey wargeyska Dowladdu leedahay ee Narodnoye Slovo. Kadib markii maalintii Sabtida Maskaxda dhiig kaga furmey.

Caafimaadka Madaxweynaha Uzbek Islam Karimov ayaa soo xumaaneysey 24 saac ee la soo dhaafey, sida ay xukuumaddu sheegtey. Afhayeenka u hadley Uzbek ayaa sheegay in dhkhaatiirtu ku macneeyeen xaaladiisa mid halis ah.

Wakaaladda reuters oo soo xiganaysa ilo lagu kalsoonaan karo ayaa sheegtey in Islam karimov uu geeriyoodey, mar dhawna Xukuumaddu ay ku dhawaaqi doonto geeridiisa.

Islam Karimov ayaa ah 78 jir, waxaana uu dalka Uzbekistan ka soo talinaayey tan iyo sanadkii 1991 markaas oo ay ka go’een Midowgii Sofiyeeytiga ee bur-buray, dalku ma helin Madaxweyne kale oo aan isaga ahayn tan iyo markaas, Waxaa lagu eedeeyaa Dowladiisa musuq-maasuq eex iyo qaraabo-kiil.

Uzbekistan ayaa ku taala Bartamaha qaaradda Aasiya, waxaana dadkiisa lagu qiyaasaa 30 milyan, Dadka reer Uzbekistan ayaa intooda badan haystaa diinta Islaamka.

Comments are closed