Gabon: Rabshadihii ka dhashay natiijadii Doorashada oo sii socda iyo Bililiqo ka dhacday Caasimada – VIDEO

gabonGabon (NogobNews) 02/09/2016

Dalka Gabon ee Galbeedka Afrika ayey weli ka taagan tahay xiisadii ka dhalatay Natiijadii Doorashadii Madaxweynaha ee Sabtidii lasoo dhaafay dhacday, taasi oo la sheegay inuu ku guuleystay Madaxweynaha xilka haya ee Cali Bongo.

Taageerayaasha Mucaaridka oo kasoo horjeestay natiijada doorashada ayaa labadii habeen ee lasoo dhaafay rabshado ka waday caasimada dalkaasi ee Libreville.

Habeenimadii Arbacada ayey kooxo careysay dab qabadsiiyeen dadka mudaharaadayey, waxaana sidoo kale bililiqo iyo burburin loo geystay qaar kamid ah xarumaha ganacsiga ee Magaalada.

Gabon Ali Bongo

Xiisad-Gabon-JeanGuddiga Doorashada ayaa isku khilaafay natiijada doorashada iyadoo xubnihii mucaaridka ee gudigaasi sheegeen inuu jiro musuq maasuq, walow xubnaha kale guddigaasi ku dhawaaqeen natiijada doorashada oo la sheegay in Madaxweyne Cali Bongo uu ku guuleystay 49.8% cododka, halka hogaamiyaha mucaaridka uu helay 48.2%. Waxaana cododka labada nin kala heleen u dhaxeeyey 6000 cod oo kaliya.

Hogaamiyaha Mucaaridka Jean Ping ayaa sheegay in isagu uu guuleystay balse dowlada ay musuq maasuq ku sameysay cododka ay shacabka bixiyeen, wuxuuna ka codsaday Beesha Caalamka inay arrinta soo faro geliso. Madaxweyne Bongo oo qoyskiisa kasoo talinayeen dalkaasi muddo 49 sano ah ayaa sheegay in hogaamiyaha mucaaridka uu sabab u yahay khal khal gelinta amniga iyo rabshadaha ka dhacay caasimada oo uu sheegay inay gacan bir ah ku qaban doonaan.

Comments are closed