AMISOM oo dalbatey in laga caawiyo ka hortagga Qaraxyada

muqdishoMuqdisho (NogobNews) 03/09/2016

Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya AMISOM ayaa beesha caalamka ka dalbadey in laga taageero sidii ay uga hortegi lahayeen miinooyinka qaraxyada loo isticmaalo ee loo yaqaan (IEDs) gudaha dalka Soomaaliya.

Nakibus Lakara

Maalintii Khamiista ee la soo dhaafey ayaa Taliye kuxigeenka ciidanka AMISOM Nakibus Lakara sheegay in qaraxyada ay sababaan minooyinka la dhiso ay yihiin kuwo khatar badan, waxaana ay u baahan yihiin baritaano in lagu sameeyo iyo tababaro la siiyo ciidamada baaraya, sidoo kale ayuu sheegay in loo baahan yahay qalab casri ah oo looga hortago la helo.

– Bomka iyo Miinooyinka dhulka lagu aaso waxay caqab ku noqdeen hawlgalada ciidamada AMISOM, kuwaas oo awoodoodu xadidadan tahay, kumana filna in ay ka adkaadaan Miinada dhulka lagu aaso ayuu yiri.

AMISOM ayaa si rasmi ah u dalabatey in beesha caalamku ku taageerto khubaro iyo qalab casri ah oo looga hortago qaraxyada miinooyinka, kuwaas oo noqdey hubka ugu weyn ee al-Shabaab ay hadda kula dagaalamayaan.

Lakara ayaa sheegay in al-Shabaab ay hadda bilaabeen in ay dhisaan Bom aad u culus kuwaas oo gaaraya 80kg.

Comments are closed