Munaasabad Casho-sharaf ah Oo Loo Qabtay Ciidanka Qaranka

.JIGJIGA (NogobNews) 03/09/2016

 

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo uu weheliyo janaraalka ciidamada difaaca qaranka qaybta koonfur bari General Abraham Woldemariam ayaa munaasabad casho sharaf ah oo si heer sare ah loo soo agaasimay usameeyay saraakiil laga soo xulay dhamaan ciidamada difaaca qaranka oo kakooban 200 oo xubnood. Kuwaas oo uu usoo dhamaaday tababarka hogaaminta ciidamada oo ay mudo 10 bilood ah qaadanayeen.

..Hadaba munaasabadan casho-sharafta ah oo kadhacday banaanka iyo waliba gudaha hoolka sayid maxamed cabdille xasan  ayaa waxaa kasoo qaybgalay mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar, golaha wasiirada, mas’uuliyiinta ciidamada difaaca qaranka qaybta koonfur bari oo uu horkacayo general Abraham woldemariam, mas’uuliyiinta ciidanka liyuu booliska oo uu hormuud u yahay janaraal Cabdiraxmaan Cabdulaahi Buraale, mas’uuliyiinta hay’adaha  amniga ee deegaanka, xubnihii tababarka qaatay iyo marti sharaf kale.

...Waxaana ugu horayn munaasabadan casho-sharafta ah furaymadaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo uu weheliyo general Abraham Woldemariam-janaraalka ciidamada difaaca qaranka qaybta koonfur bari.

....Casho kadibna, waxaa lagalay gudaha hoolka sayidka. Halkaas oo ay kooxaha fanka iyo suugaanta ee deegaanka iyo waliba kooxda madadaalada ee ciidamada difaaca qaranka qaybta koonfur bari ay wacdaro bandhig faneed ah oo xiiso badan aadna loogu riyaaqay kadhigeen.

.Ugudanbayna, munaasbadan ayaa kusoo gabagabawday jawi wanaagsan oo ay farxad balaadhani kudheehan tahay.

 

Comments are closed