Qurbo-joogta Jubbaland oo billaabay in ay Maal-gashi sameeyaan iyo Hoteel laga furay Kismaayo

kismaayoKismaayo (NogobNews) 03/09/2016

Tan iyo wixii ka danbeeyay markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa gabi ahaanba meesha ka baxay nabaddii iyo kala danbeyntii uu dalka lahaa, ayadoo bulshada Soomaaliyeed ay u kala hayaantay daafaha caalamka, kagadaal markii nabadgelyada dalka ay noqotay mid aad u qatar badan.

Balse sanadihii u danbeeyay waxaa dalka ka dhacay isbadal weyn oo dhanka siyaasadda ah, ayadoo ay dib usoo laabatay rajadii umadda Soomaaliyeed, waxaana dalka ka hanaqaaday mashaariic kala duwan oo horumarineed, ayadoo qurbajoogtii dalka uga cararay amni darradana ay bilaabeen in ay dib ugu soo laabtaan dalkooda.

Axmed Faarax Siyaad, waxa uu kamid yahay qurbajoogta Soomaaliyeed ee reer Jubaland, mudo dheer ayuu ku noolaa dalka dibaddiisa, bilooyin kahor ayuu dib ugu soo laabtay magaalada Kismaayo, wuxuuna ka hirgeliyay Hoteel weyn oo loo dhisay hab casri ah, ayadoo hoteelkiisu kamid noqday hotellada ugu bilicda qurxoon ee magaalada.

Hotelkan oo ku yaal nawaaxiga xeebta Kibooro ee magaalada Kismaayo oo xariga laga jaray shalay gelinkii danbe ayaa munaasibaddii furitaanka waxaa ka qeybgalay wasiirro ka tirsan Jubaland, kuwaa oo bogaadiyay dadaalka uu sameeyay Axmed, waxayna sheegeen in ay tahay tallaabo ku dayasho mudan.

Axmed Faarax Siyaad ayaa sheegay in arrintan ay ku dhalisay kadib markii uu arkay in fursado badan oo dhanka shaqada ah ay ka bannaanyihiin deegaanada Jubaland, isagoo sheegay in Hotelkan uu ka hirgeliyay Kismaayo uu shaqo abuur u yahay dhalin fara badan, islamarkaana uu isagu qudhiisu rajeeynayo in uu ka helo faa’iido.

Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa mudooyinkii u danbeeyay laga dareemayay horumar dhinacyo kala duwan leh, ayadoo magaalada ay kusoo kordheen hoteell si casri ah loo dhisay iyo goobo ganacsi oo kala duwan

Comments are closed