Xafladan ayaa waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiin heerdeegaan ah,oo uu uga horeeyo madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah marwo Sucaad Axmed Faarax, mayorka magaalada jigjiga mudane axmed maxamuud axmed, maareeyaha guud ee wakaalada quwada korontada JDFI mudane Adane iyo madaxa kala qaybinta quwada korontada itoobiya laanta jigjiga mudane Marahawi guyoelow, shaqaalaha xarunta EEPC I iyo marti sharaf kale. Hadaba xafladan ayaa waxaa ugu horayn Furay madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka horumarinta beeraha iyo khayraadka dabiiciga ah Marwo Sucaad Axmed Faarax oo sheegtay inay aad oogu faraxsantahay xafladan Xadhiga lagaga jarayo fooqan xafiisyada kala duwan ee quwada korontada itoopiya laanteeda deegaanka Waxayna madaxwayne kuxigeenku intaa ku dartay inay xafiisyadani wax katari doonaan baahida adeega bulshada tasoo Cidhiidgi kajiray.
Ugu danbayna waxaa iyana dhankoodo ka hadlay qaar ka mid ah shaqaalaha quwada korontada itoobiya Laanteeda jigjiga oo sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin dhismahan xafiisyada ah ee xadhiga laga jiray Wax badana ka caawin doona iyadoo waxaaha shaqaalaha oo dhan ay helayaan meel ay ku shaqayn Karaan. Sikastaba ha ahaatee dhismahan wayn ee maanta xadhiga laga jaray ayaa kamid ah Dhismayaasha horumarineed ee ka socda deegaanka.
Comments are closed