Nogob News
Wararka DDS
Wararka Caalamka
News in English
Nogob News
949 Arday ah oo ka Qalin-jabisay Kuliyadda M. Dr C/majiid Ee Magaalada Jigjiga
Jigjiga (
NogobNews
) 04/09/2016
Xaflada qalinjabinta macaliimiinta oo ay kasoo qayb galeen masuliyiinta ugu saraysa xukuumada oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha DDSI
mudane
Cabdi Maxamuud Cumar
, madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane
Mowliid Haayir Xasan
,maareeyaha kuliyada tababarada macalimiinta DR cabdimajiid Xussen mudane
Maxamuud Axmed Nuur
,qaar ka mid ah kabaneega deegaanka,odayaasha, qurbajoog, iyo marti sharaf kale
, ayaa si meeqaam sare leh ugu qabsoomay hoolka shirarka sayid maxamed cabdule xasan.
Hadaba xafladan ayaa waxaa ugu horayn furay
madaxwaynaha DDSI
mudane Cabdi Maxamuud Cumar
oo u hambalyeeyay ardayda qalinjabinaysay kuna dhiiriyay inay kaalintooda macalinimo si fiican uga soo baxaan soona saaraan arday anshax iyo tayo leh. waxa kaloo madaxwaynuhu u mahad celiyay maamulka iyo macalimiinta kuliyada oo runtii marwalba kasoo baxa kaalintooda. Ugu danbayna wuxuu madaxwaynuhu ardayda kula dardaarmay in sidii wax loo baray ay u baraan ardayda ay macalimiinta u noqonayaan.
Dhanka kale waxaa isna ka hadlay xaflada madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka waxbarshada
mudane mowliid haayir Xasan
oo sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay ardaydan qalinjabinaysa. Wuxuuna madaxwayne ku xigeenku intaa ku daray inay ka caawinayaan kaalinta uu xafiiska waxbarashadu ku leeyahay cududa shaqaale ee macalimiinta.
Ugu danbayna waxaa si faahfaahsan uga warbixiyay munaasabada qalinjabinta macalimiinta
maareeyaha kuliyada macalimiinta Dr. Cabdimajiid Xusseen mudane
Maxamuud Axmed Nuur
oo sheegay in ardayda qalinjabinaysa ay tiradoodu tahay
949
arday oo isugu jira
TTC, TTI iyo KG
oo 186
kamid ahna yihiin dhadig. waxaana halkaas abaal marino kaladuwan lagu gudoonsiiyay ardaydii kaalmaha hore galay.
Sidoo kale waxaa iyana dareenkooda ka hadlay qaar kamid ah ardaydii qalinjabinaysay oo sheegay inay qalinjabinta maanta aad ugu faraxsan yihiin iyagoo balanqaaday inay si wadaninimo lehna ugu shaqayn doonaan shacabkooda.
Comments are closed
Comments are closed