Daawo Bangladesh: Dowlada oo daldashay mid kamid ah hogaamiyayaasha mucaaridka – VIDEO

bagaladeshBangladesh (NogobNews) 04/09/2016

Dowlada Bangladesh ayaa markale qisaastay mid kamid ah hogaamiyayaasha Xisbiga Islaamiga ah ee Mucaaridka Jamaat-e-Islami party oo ay horey maxkamada danbiyada culus ee dalkaasi ku xukuntay dil.

Bangladesh-Daldalaad-Ali1

Mir Quasem Ali oo ahaa madaxii Maaliyada ee xisbiga Islaamiga ah ayaa dil lagu xukumay labo sano kahor, waxayna maxkamada racfaanka todobaadkii lasoo dhaafay diiday abiilkii uu ka qaatay xukunkaasi, hogaamiyahan ayaa diiday inuu Madaxweynaha dalkaasi ka codsado cafis taasi oo ahayd wadada kaliya ee u furan.

Hogaamiye Mir Quasem Ali ayaa kamid ahaa xubnihii lagu eedeeyey inay ka qeyb qaateen dagaalkii sokeeye ee wadankaasi ka dhacay sanadkii 1971 dagaalkii uu wadanka Bangladesh uga goostay dalka Pakistan, waxaana lagu eedeeyey inuu kamid ahaa maleeshiyaadkii gacanta siinayey ciidamada Pakistan ee geystay danbiyo dagaal.

Mucaaridka dalka Bangladesh ayaa ku tilmaamay maxkamada danbiyada dagaal oo ay xukuumada wadankaasi ka hirgelisay sanadkii 2010 inay tahay mid si gaar loogu adeegsanayo in looga takhaluso hogaamiyayaasha mucaaridka gaar ahaan xisbiga Jamaat-e-Islami oo ah urur siyaasadeedka ugu weyn ee mucaaridka dalkaasi.

Comments are closed