Daawo Laascaanood: Mudaharaad rabshado wata oo ka dhashay dil ay geysteen ciidamada Somaliland – VIDEO

laascaanoodLaascaanood (NogobNews)  04/09/2016

Shacabka ku dhaqan magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool ayaa maanta dhigay banaanbaxyo rabshado wata oo looga soo horjeedo ciidamada Somaliland ee magaaladaasi gacanta ku haya kadib markii ay dil u geysteen qof rayid ah.

Laascanood-Rabshado-2

Banaanbaxa ayaa saameeyey isu socodka gaadiidka kadib markii wadooyinka magaalada ay dadku ku xireen dhagaxaan, waxaana la gubay qaar kamid ah gaadiidka maamulka Somaliland oo ay shacabka gacanta ku dhigeen.

Ciidamada Somaliland ayaa sidoo kale la sheegay inay isaga baxeen saldhigii Booliiska ee ku yaal bartamaha magaalada kadib markii ay halkaasi tageen dadweyne ka careysan dilka maanta ay ciidamada u geysteen nin u dhashay magaalada Laascaanood.

Magaalada ayey xiisad ka taagneyd tan iyo dhamaadkii bishii Agoosto markii ay Somaliland sheegtay inay ka hirgalineyso diiwaangelinta shacabka oo ay si weyn uga soo horjeedaan inta badan bulshada ku dhaqan gobalka Sool.

Comments are closed