Daawo Shirweynaha G20 oo ka furmaya dalka China – VIDEO

obamaChina (NogobNews) 04/09/2016

Hogaamiyayaasha dalalka horumaray ayaa kusii qul qulaya magaalada Hangzhou ee dalka China oo uu ka furmi doono shirweynaha G20.

Inta badan madaxda dalalka ka qeyb galaya shirkan ayaa shalay iyo maanta gaaray dalkaasi China, iyadoo shirkan oo socon doona labo maalmood lagu wado inuu furmo Isniinta beri ah.

Qodobada ugu muhiimsan ee shirkan looga hadlayo ayaa waxaa kamid ah Ganacsiga, Amniga iyo Cimilada Isbedaleysa.

Dalalka Maraykanka iyo China ayaa Sabtidii shalay si wadajir ah u saxiixay heshiiskii kasoo baxay shirweynihii Paris ee looga hadlayey wax ka qabashada cimilada isbadaleysa iyo hoos u dhigida saameynta xun ee warshadaha ku leeyihiin bey’ada, waxayna qoraalkooda u gudbiyeen Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban ki moon oo isaguna ku sugan dalka China.

china-obama

Waa markii ugu horeysay oo ay dowlada China Marti geliso shirweynaha G20 oo ay ku kulmaan dalalka horumaray iyo kuwa soo koraya, waxayna dowlada China dooneysa inay saameyn xoogleh ku yeelato dalalka kale ee soo koraya si ay u sugto mustaqbalka kobaca joogtada ah ee dhaqaalaheeda ku xiran warshadaha wax soo saara.

Comments are closed