Daawo UK: Maxkamada London oo 5 sano iyo bar ku xukuntay Anjem Choudary

ukLondon (NogobNews) 07/09/2016

Maxkamada magaalada London ayaa Salaasadii shalay xukun ku riday Wadaadka Xagjirka ah ee Anjem Choudary oo tan iyo bishii Luulyo dacwadiisa socotay.

Anjem Choudary oo ku dhashay dalka Ingiriiska ayaa tan iyo sanadkii 1999 kamid ahaa xubnaha taageerada u muujiya kooxaha hubeysan ee xagjirka ah ayaa lagu eedeeyey inuu taageero siiyey kooxda Daacish. Ninkan ayaa isagu ahayn caalim dhanka Islaamka, balse ah nin ku takhasusay dhanka sharciga oo uu uga baxay jaamacada.

Choudary ayaa inta badan mudaharaadyo ka dhigi jiray magaalooyinka waaweyn ee dalka Ingiriiska, isla markaana telefishinada ka difaaci jiray qaar kamid ah kooxaha hubeysan sida Talibanka iyo Al Shabaabta Soomaaliya.

Dacwada ugu danbeyntii uu ku muteystay Maxkamada ayaa ah inuu si toos ah u taageeray kooxda Daacish, isagoo sheegay inuu beeco siiyey hogaamiyaha Kooxdaasi ee Abubakar Al Baqdaadi, arrintan oo ka horimaaneysa sharuucda dalka UK ee qoraya in ay mamnuuc tahay taageerida koox ku lug leh falal argagaxiso, walow uusan isagu shaqsiyan uusan cidna dhibaato u geysan.

Jaaliyadaha Muslimiinta iyo masaajidada waaweyn ee ku yaal dalka UK ayaa horey isaga fogeeyey ninkan iyo kooxda uu hogaamin jiray oo lagu eedeeyey inay dhalinyaro badan oo muslimiin ah ka dhaadhiciyeen inay u dagaal aadaan Bariga Dhexe iyo waliba dalalka Afrika sida Soomaaliya.

Maxkamada ayaa ku xukuntay 5 sano iyo Bar, Qareenka u doodayey Anjem Choudary ayaa ka codsaday garsooraha inuu xukunka ka khaafifiyo ninkan isla markaana sheegay in Anjem Choudary uu ka xun yahay inuu si toos ah u taageeray kooxda Daacish, balse Garsooraha ayaa sheegay inuusan aaminsaneyn in ninkaasi uu wax ka bedali doono fikirkiisa xagjirnimo.

Comments are closed