Madaxweynaha DDSi Wafdi uu Hogaamin oo kulan layeeshay Waxgaradka Magaalada Qabridahare

1Qabridahare (NogobNews) 07/09/2016

Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar iyo waftigii balaadhnaa ee uu hogaaminayay oo xalay uhoyday magaalada qabridahar  ayaa saaka kulan layeeshay odayaasha, haweenka, dhalinyarada iyo dhamaan waxgaradka shacabka qabridahar.

2Gudoomiyaha gobolka qoraxey mudane Yuusuf Aadan Yuusuf ayaana madasha kulankan kusoo dhaweeyay madaxwaynaha.

Hadaba madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar ayaa shacabka qabridahar kalahadlay  inay kudhiiradaan dhanka tabcashada beeraha si waxsoosaarka dalka iyo deegaankuba kor ugu koco maadaama ay xukuumadu kuhawlan tahay diyaarinta dhul beereedka islamarkaana ay maaliyad badan galisay dhanka horumarinta waraabka iyadoo udanaynaysa inay bulshadu uga faaiidaysato tabaca beeraha. Wuxuuna madaxwaynuhu tusaaleeyay bulshada sooyaalkii waxqabad la’aaneed ee deegaanku soo maray isagoo ujeedadiisu tahay inay cashar unoqoto si aan dib loogu noqonin

4Sidoo kale, madaxwaynaha ayaa kubooriyay shacabka magaalada qabridahar inay iska ilaaliyaan argagixisada gabbaadka kadhiganaysa diinta islaamka sida: Al-itaxaad, Alqushaash, Daacish, Buku-xaaraam iwm. Madaxwayne CMC ayaa intaa kudaray, in dhibaatada kali ah ee deegaanka maanta kajirta ay tahay saboolnimo fadhiid ah oo uu kadanbeeyo fikirka cidhiidhyanee mashaqaystenimada iyadoo uu deegaankeenu hodan kuyahay guud ahaan noocyada kaladuwan ee nimcada iyo khayraadka dabiiciga ah islamarkaana haysana labada shay ee dunida ugu qaalisan oo ah dhul dihin oo beerasho kali ah ubaahan iyo biyo. Wuxuuna shacabka kuladardaarmay inay kabaxaan fikirka madhalayska ah ee mashaqaystenimada oo uu shaqsi kasta rag iyo dumar, culimo iyo caamo, dhalin iyo waayeel ay u guntadaan sidii ay uga faaiidaysan lahaayeen khayraadka dihin ee dhulka oo in lagu foorarsado oo kali ah ubaahan.

Dhanka kalana, bulshada qabridahar oo bogaadisay booqashada madaxwaynaha iyo waftiga uu hogaaminayo si balaadhana uga mahadceliyay ayaa kahadlay madasha kulankan iyagoo balanqaaday inay xooga saari doonaan dhanka waxsoosaarka beeraha islamarkaana ay fikirka mashaqaystenimada ah kabixi doonaan. Waxayna sheegeen inay kawarqabaan in cida loo samaynayo mashaariicaha biyo-xidheenada waa wayn ee horumarinta waraabku y tahay iyaga islamaarkaana ay uga qaybqaadan doonaan si laxaad leh maadaama ay dantooda tahay.

Kadib markuu shirkani dhamaadayna, waxaa booqasho kormeer ah loo aaday mashruuca waraabka maraacaato oo lagu soo kormeeray gacamada dhaadheer, biyo-qabatinada beeraha, gacamada secondaryga ah iyo kuwa waraabka intaba oo ah xaal-xaalkii mashruuca. Waxaana lagu soo laabtay magaalada qbridahar iyadoo wakhti xaadirkan lagu jiro nasashadii qadada.

Comments are closed