Madaxwayne ku xigeenka DDSI ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir Xasan oo ka hadlay furitaankii shirkaasi ayaa ka warbixiyay jihooyinka iyo tiirarka lagu gaadhayo horumar waaro oo joogtaysan taas oo uu sheegay in ay laf-dhabar u tahay fidinta iyo fulinta jihooyinka waxbarashada. Madaxwayne ku xigeenka ayaa ka warbixiyay in shirwaynahan yahay mid lagu eegaya fulinta qorshayashii sanadkii 2008TI ee dhinaca waxbarashada islamarkaana loogu diyaar garoobayo fulinta qorshaha sanadka 2009TI ee dhinaca qorshe hawleedka waxbarashada gaar ahaan adkaynta tayada waxbarashada.
Shirwaynaha waxbarashada DDSI oo ah mid sanadkasta la qabto xiliga la bilaabayo diwaangalinta ardayda dugsiayda kala duwan ee DDSI ayaa waxaa lagu kala qaataa awaamiirta iyo qorshayaasha u dajisan dhinaca waxbarashada gaar ahaan sidii dhamaan caruurta DDSI ee gaadhay da’da waxbarashada loo keenilahaa goobaha waxbarashada, in xooga la saaro waxbarashada dadka waawayn iyada oo ahmiyada gaar ah la siinayo waxbarashada caruurta baahida gaar ka ah qabta.
Shirwaynahan oo halku dhig looga dhigay” BARE TAYO IYO AQOON LEH AYAA SOO SAARA ARDAY AQOON IYO ANSHAX KU SIFOOBAY” ayaa waxa uu socondoonaa mudo 2maal-mood ah.
Comments are closed