Daawo Doorashada USA: Hillary & Trump oo ka wada qeybgalay barnaamij Dood ah – VIDEO

mareykanakMareykanka (N0gobNews) 08/09/2016

Labada murashax Madaxweynaha ee xisbiyada Dimuquraadiga iyo Jamhuuriga Maraykanka, Hillary Clinton & Donald Trump ayaa xalay ka qeyb galay barnaamij dood ah oo uu diyaariyey telefishinka NBC.

Waa markii ugu horeysay oo ay labada murashax ay hal barnaamij ka wada qeyb galaan inkastoo aysan labada murashax wax hadalo ah is dhaafsan, waxaase la filayaa in ay yeelan doonaan sadex dood oo fool ka fool ah kahor doorashada dhici doonta bisha November, balse labada murashax ayey fursad u ahayd ay uga hadlaan qorshahooda arrimaha Amniga iyo siyaasada dibada.

Labada murashax ayaa la weydiiyey su’aalo adag oo la xariira fadeexooyinka lasoo darsay bilihii lasoo dhaafay, Hillary ayaa iska difaacday dhaliiceynta la xariirta fadeexadii Emailada ay si khaldan u isticmaashay xiligii ay ahayd Xoghayaha arrimaha Dibada.

Donald Trump oo isaguna wax laga weydiiyey qorshahiisa la dagaalanka kooxda Daacish (ISIS) ayaa sheegay inuusan qorshihiisa telefishinka ka sheegi doonin, wuxuuna ku dooday in Jeneraalada militariga Maraykanka uu kala tashan doono siduu ulla dagaalami lahaa kooxdaasi. Mar wax laga weydiiyey inuu aqoon ama xirfad u leeyahay siyaasada arrimaha dibada ama xil dowladeed ayuu ku dooday inuu horey usoo maamuli jiray Shirkado waaweyn isla markaana uu yahay nin yaqaan sida wax loo kala maareeyo.

Comments are closed