Guddoomiye Peter Munya oo iska difaacaya eedeyntan ayaa sheegay in joojinta qaadka aysan la xariirin booqashadii uu ku tagay Somaliland, balse la xariirto dhanka amaanka oo ay dowlada Soomaaliya dooneyso inay amniga sugto xiliga shirka IGAD uu ka dhacayo magaalada Muqdisho, sidaana loo joojiyey si Kumeel gaar ah Qaadka.
Guddoomiye Munya ayaa sheegay in dacaayada laga faafiyey isaga shaqsiyan ay tahay mid lagu bahdilayo, isla markaana naftiisa khatar lagu gelinayo. Munya ayaa sheegay in naftiisu khatar ku jirto oo uu ka cabsanayo in ay dilaan beeraleyda Miirowga iyo ganacsatada Qaadku, wuxuu sheegey in Guddoomiyihii isaga ka horeeyey Ntai wa Nkuraru la diley sabatuna ay ahayd arrimo la xiriira Qaadka Miirowga.
Comments are closed