Daawo Sacuudiga & IRAN oo hadalo kulul isdhaafsaday kahor Xajka – VIDEO

iranIran (NogobNews) 08/09/2016

Waxaa sii xoogeysaneysa xiisada ka dhex taagan Dowladaha Sacuudiga iyo IRAN oo horey khilaaf siyaasadeed uga dhaxeeyey ayaa hada isu bedalay xiisad la xariirta Xajka. Labada dowladood ayaa horey ugu heshiin waayey in sanadkan xujayda reer Iran ay tagaan dhulka barakeysan.

Saudi-Xiisad-IRan-Xajka

Xiisada ugu danbeysay ayaa timid kadib markii Isniintii lasoo dhaafay uu hogaamiyaha ruuxiga ah ee IRAN Ayatullahi Khumeyni uu weerar afka ah ku qaaday Qoyska Boqortooyada Sacuudiga ee Al Sacuud oo uu ku tilmaamay dad aan diinta heysan isla markaana aan mas’uul ka noqon karin dhulka Barakeysan ee Islaamka iyo maamulida Xajka.

Saudi-Xiisad-IRan-Khumeyni

Hogaamiyaha IRAN ayaa sheegay in Sacuudiga uu mas’uul ka yahay xujaydii badnaa ee sanadkii hore ku dhintay nawaaxiga Mina xiliga Xajka, wuxuuna sheegay inuu Illaahay ciqaabi doono hogaamiyayaasha Sacuudiga.

Hadalkan ayaa waxaa ka jawaabay Muftiga Shiikh Cabdulasiis Al-Sheikh oo ku tilmaamay hadalada Khumeyni kuwo uusan la yaabeen isagoona sheegay in Shiicada ay yihiin Ilmaha ama dadkii kasoo farcamay MAGI (Dadyowgii Caabudi jiray Dabka kahor diinta Islaamka) isla markaana ay cadaawad gaar ah u hayaan Muslimiinta gaar ahaan dadka Sunnida ah.

Mufti Shiikh Cabdulcasiis Al Sheikh

Mufti Shiikh Cabdulcasiis Al Sheikh

Waxaa hadalada Shiikh isagana ka carooday Wasiirka Arrimaha Dibada ee dalka Iran Mohamad Javad Sharif oo Salaasadii bartiisa Twitterka ku qoray isagoo u jawaabaya Shiikh Cabdulcasiis:

“…Haa Diinta Islaamka oo ay Iraniyiinta heystaan iyo inta badan Muslimiinta maaha mid lamid ah Diinta ay heystaan Wadaadkan Xagjirka ah ee Wahaabiga ah iyo Argagaxisada ka talisa dalka Sacuudiga…”

Indeed; no resemblance between Islam of Iranians & most Muslims & bigoted extremism that Wahhabi top cleric & Saudi terror masters preach.

Madaxweynaha dalka Iran Xasan Rowxani ayaa sheegay in laga fiican yahay in Xajka la siyaasadeeyo, isagoo sheegay in Sacuudiga dhankiisa uu diiday inuu wax magdhaw ah ka bixiyo xujaydii ku dhimatay Xajka sanadkii hore oo ay ku jireen dadka dhintay in ka badan 400 reer Iran ah, wuxuuna sheegay inay khalad tahay in dowlada Sacuudiga ay diido inay Wadamada kale ee Islaamka kala tashato arrimaha Xajka.

Xurgufta ka dhex taagneyd dalalka Sacuudiga iyo IRAN oo la xariirta loolanka ka dhaxeeya labadaasi dal oo sheegta inay kala hogaamiyaan dadyowga Sunnida iyo Shiicada ayaa horey usii hurisay xiisada ka taagan dalalka Khaliijka iyo waliba dagaalada ka socda; Siiriya, Ciraaq iyo Yemen.

Comments are closed