Jigjiga (NogobNews) 07/09/2016
Hadaba, Madaxwayne Kuxigeenka Ahna Wasiirka Waxbarashada Mudane Mowliid Haayir Xasan oo si qoto dheer ooga hadlay kulanka ayaa ka war bixiyay, hab u socodka iyo qorshayaasha waxbarasho ee DDSI oo ay ka mid ahaayeen mashaaricaha waxbarasho ee uu xafiisku ka fuliyay deegaanka, ka jawaabida baahida waxbarasho ee deegaanka, tayaynta macalimiinta, kormeerka dabagalka joogtada ah ay ku sameeyaan guud ahaan degmooyinka iyo maamul magaalooyinka uu ka koobanyahay deegaanku. Wuxuuna madaxwaynu ku xigeenku waydiinayay masuuliinta kasoo qaybgalay shirwaynaha waxyaabaha caqabada ku ah ee ay ubaahan yihiin in laga caawiyo iyo waliba dhaliilaha ay degmooyinka iyo maamul magaalooyinku lee yihiin inay iska saxaan.
Dhinaca kale, wuxuu madaxwayne ku xigeenku xusay in lasii laba jibaaro dadaalka lagu xoojinayo waxbarshada ee ku aadan sanada 2009 T.I Si looga midha dhaliyo qorshayaasha iyo istaraatiijiyadaha u yaala dalka iyo deegaankaba. .
Sidoo kale waxaa iyana dhankooda ka hadlay masuuliyiinta kasoo qaybgalay shir waynaha oo sheegay inay mar walba u taagan yihiin sidii ay ooga qay qaadan lahaayeen horumarka ka hanaqaaday deeganka islamarkaana ay iska sixi doonaan dhaliilahaas la sheegay, waxayna masuuliyiintu intaa ku dareen in laga caawiyo caqabadaha ka haysta dhanka waxbarashada.
Ugu danbayna qaar ka mid ah agaasimada xafiiska waxbarashada DDSI ayaa si faahfaahsan usoo dhigay qorshayaashii 5 sano ee lasoo dhaafay iyo siday u hirgaleen. Sidoo kalana ka jaawabay su’aalihii iyo dhalliilihii uu soo dhigay gurigu, si kastaba ha ahaatee shirwaynahan 7aad ee waxbarashada DDSI ayaa lagu wadaa inuu so oaf jarmo maalinta bari ah.
Comments are closed