Qorshaha cusub ee Puntland soo rogtey ayaa ah in wadayaasha gawaaridu ay tagaan Saldhigga magaalada ay rakaabka ka qaadayaan, marka ay dhamaystaan rakaabka si loo siiyo caddeynta rakaabkiisa, arrintan oo ah mid aan marka Puntland laga sameyn ayaa la is weydiin karaa culeyska ay keeni karto, marka la eego tiro badnida safarada gudaha Puntland ka dhaca, haddii la siku dayo in qorshahan la fuliyo.
Tan iyo weerarkii Gaalkacyo ka dhacay 21 Agoosto ayaa Puntland soo saartey amaro kala duwan oo ay sheegtey in lagua dkeynaayo amniga, waxaana kamid ah in gawaarida ganacsiga ka keena Koonfurta Soomaaliya ay ku wareejinayaan Gaalkacyo, taas oo sababtey in gawaari badan weli ku xaniban tahay Gaalkacyo, waxaana go’aankan ku soo beegmey xili gawaarida qaarkood ay sideen xoolihii Udxiyada la dhoofin jirey ama la qalan jirey.
Comments are closed