Ciidamada Daraawiishta Jubbaland oo lawareegey deegaanka Cabdalla biroole ee gobolka Jubbada Hoose.(Sawirro).

jubbalandJubbaland (NogobNews) 09/09/2016

Ciidamada Daraawiishta ee maamulka Jubbaland-Soomaaliya  ayaa  la wareegey deegaanka Cabdalla Biroole ee gobolka Jubbada hoose oo dhanka koonfureed kaga beegan magaalada kismaayo qiyaas ahaana ujira 60KM.

Deegaanka Cabdalla Biroole ayaa saldhig wayn u ahaa maleeshiyada  Al-Shabaab oo dadka shacabka ee deeganadaas degan dhibaato xoog leh ku hayey .

Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Amisom oo iskaashanaya ayaaTuulada Cabdalla biroole si nabad galyo ah kula wareegey kadib markii ay Alshabaab isaga bexeen , ayadoo halkaasi ay dadka deegaanku sidiiran ugu soo dhaweeyeen Ciidamada.

La wareegida gacan ku haynta deegaanka Cabdalla biroole ayaa bilow u ah hawl galka loogu magac darey wabiga-Jubba ee deegaanada Jubbaland lagaga sifeynayo maleeshiyada Alshabaab ayadoo dhabar jab weyn ku ah deegaanada  gacantooda kabaxey.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa horey u ballan qaadey inay sida ugu dhakhsiyaha badan u bilaabayaan hawlgalka wabiga-Jubba asagoo ugu baaqey dhalinta la  marin habaabiyey inay iskaga soo baxaan duurka deegaanadoodana si nabad ah ugu soo laabtaan.

Shaley arbacadii ayay ahayd markii ay 3 kamid ahaa maleeshiyada Alshabaab isu soo dhiibeen ciidamada Jubbaland ayagoo wata gaari ay kala soo baxsadeen Alshabaab kuwaas oo kismaayo lagu soo dhaweeyey laguna xareeyey xarunta dhaqan celinta dhalinta la habaabiyey ee kasoo xaroota nabadiidka.

Ugu danbeyn ciidamada Jubbaland ayaa deeq raashin ah gaarsiiyey shacabka deegaanka Cabdalla biroole xilli ay aad ugu baahnaayeen una go,doonsanaayeen maleeshiyada naxariista daran ee Alshabaab.

Comments are closed