GABON: Hogaamiyaha Mucaaridka oo maxkamad u gudbiyey dacwad natiijadii doorashada
Gabon (NogobNews) 09/09/2016
Murashaxa Mucaaridka Gabon ee xilka Madaxweynaha Jean Ping ayaa Khamiistii shalay si rasmi ah ugu gudbiyey maxkamada dalkaasi dacwad la xariirta in dib loo tiriyo cododka doorashadii todobaadkii hore ka dhacday dalkaasi.
Natiijada la shaaciyey ee doorashada Madaxweynaha Gabon ayaa muujineysa in Madaxweynaha xilka haya Cali Bongo uu uga guuleystay murashaxa la tartamayey ee Jean Ping wax ka yar 6000 cod.
Mucaaridka ayaa codsanaya in dib loo tiriyo gaar ahaan cododka Gobalka Haut-Ogooue ee koonfurta dalkaasi, gobalkaasi oo ay ku xoogan yihiin taageerayaasha Madaxweyne Cali Bongo ayaa la tuhunsan yahay in wax isdaba marin ah ka dhacday. Tusaale gobalkaasi ayaa la sheegay inay codeeyeen dhamaan 99% dadkii diiwaangashana tiradaasi oo shaki weyn laga muujiyey, waxaana sheegayaa in dad aan codeyn loogu buuxiyey cododkooda Madaxweyne Bongo.
Guddiyadii ka socday Midowga Afrika iyo Midowga Yurub ee korjoogayaasha ka ahaa doorashada Gabon ayaa xaqiijiyey inuu jiro mugdi weyn oo la xariira tirinta cododka ee natiijada doorashada Madaxweynaha.
Comments are closed