Daawo USA: Baarlamaanka oo ansixiyey in Qoysaskii dadkii ku dhintay 911 ay dacweynkaraan Sacuudiga – VIDEO

mareykankaMareykanka (NogobNews) 10/09/2016

Aqalka Kongareeska ama golaha Wakiilada dalka Maraykanka ayaa ansixiyey sharci u baneenaya qoysaska iyo qaraabada dadkii ku dhintay weeraradii 9-11 inay dacweynkaraan Boqortooyada Sacuudiga.

Dhawaan ayaa la shaaciyey qeyb horey loo qariyey oo kamid ahayd warbixintii dowlada Maraykanka ka diyaarisay weeraradii 9-11 oo lagu sheegay in xubno ka tirsan dowlada Sacuudiga iyo Safaarada Boqortooyada ku leedahay Maraykanka ay xiriir la lahaayeen shaqsiyaadkii la sheegay inay geysteen weerarkaasi.

19kii nin ee la sheegay inay fuliyeen weeraradii 911 oo maalinta beri ah ay tahay sanadguuradii 15aad ayaa 15kamid ah raggaasi ay ahaayeen kuwo u dhashay dalka Sacuudiga.

Xukuumada Obama ayaa kasoo horjeeday in shacabka Maraykanka ee dhibaatada kasoo gaartay weeraradaasi ay maxkamadaha Maraykanka u gudbiyaan dacwado ka dhan ah mas’uuliyiinta dowlada Sacuudiga oo ay xulafo dhaw yihiin, balse in badan oo kamid ah xildhibaanada Baarlamaanka Maraykanka ayaa taageersan in Sacuudiga lagu soo oogo dacwado la xariira weeraradii 911.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa horey ugu hanjabtay hadii maxkamadaha Maraykanka ay dacwado kusoo oogaan muwaadiniin u dhalatay Sacuudiga inay iyaguna qaadi doonaan tilaabo ka dhan ah maalgashiga ay ku sameeyaan shirkadaha laga leeyahay dalka Maraykanka.

Sharcigan cusub ee uu Baarlamaanka Maraykanka ansixiyey ayaa sidoo kale lagu soo beegay xili dowlada Maraykanka ay qalinka ku duugtay heshiis hub badan looga iibinayo Boqortooyada Sacuudiga.

Comments are closed