Daawo USA iyo Russia oo ku heshiiyey xabad joojin laga hirgeliyo Siiriya – VIDEO

ruushkaMareykanka (NogobNews) 10/09/2016

Dalalka Maraykanka iyo Ruushka ayaa wadahadal dheer kadib ku heshiiyey in xabad joojin laga hirgeliyo guud ahaan dalka Siiriya laga bilaabo Isniinta soo socota ee 12ka September.

Wadahadalka u dhaxeeyey Xoghayaha Arrimaha Dibada Maraykanka John Kerry iyo Wasiirka arrimaha Dibada Ruushka Sergey Lavrov ayaa socday muddo 14saac ah iyagoo shaaciyey inay rajo weyn ka qabaan in xabad joojintan uu fure u noqon doono in la hakiyo dagaalka ka socda Siiriya iyo in gar gaar bini’aadamnimo la gaarsiiyo dadka ku dhibaataysan magaalooyinka ay dagaalada ka socdaan.

Labada dhinaca oo si weyn ugu kala aragti duwanaa dagaalka ka socda Siiriya ayaa sheegay inay meel isla dhigeen in goobaha ay ku heshiiyaan aan laga fulin doonin duqeynta dhanka cirka ah isla markaana ay si wadajir ah u eegi doonaan kooxaha ay u aqoonsan yihiin argagaxiso iyo kuwa kale si aan khasaaro loogu geysan dadka mucaaridka ah ee aan ka tirsaneyn ururada argagaxisada.

Xabad joojintan oo lagu beegay maalinta Ciida ayaa ah tii ugu horeysay oo guud ahaan dalka Siiriya la doonayo in laga dhaqan geliyo, iyadoo bishii hore maalmo kooban xabad joojin noocaan ah looga fuliyey magaalada Aleppo walow halkaasi uu markii danbe dagaalka uu dib uga qarxay.

Comments are closed