DAAWO Nuur Caraale Sweden Xafladii Sanadka Cusub ee Itoobiya 2009 (Warbixin)
Sweden (NogobNews) 11/09/2016
Waxaa magaalada Sweden lagu qabtay Xaflad loogu Dabaal-Dagayo sanadka Cusub ee Itoobiya 2009 waxaa xafladda lagu qabtay hoolka Safaarada Itoobiya ay ku leeyahay dalka Sweden ee Magaalada Stockholm waxaana ka soo Qeybgalay mas’uuliin ka socda Safaarada iyo jaaliyadaha dalka itoobiya ee ku dhaqan Sweden.
Xafladda ayaa waxaa soo qabanqaabisay Safaarada Itoobiya ee Sweden sanadka cusub 2009 waxey soo marti galisay fanaaniin waaweyn oo dalka itoobiya aad looga jecelyahay waxaana ka mid ahaa fanaaniinta fanaanka weyn ee aadka loo jecelyahay yahay ee ku dheehan Muwaadinimo ee ku soo caanbaxay dhaantada qoorta la jabiyo Al-fanaan Nuur Caraale oo Jaaliyadda Dawlada deegaanka Somalida itoobiya Ee Dalka Sweden ay aad ugu farxeen in sanadka cusub 2009 kala soo qeybgalo munaasabaddan sanadka Cusub.
Fanaaniinta ayaa waxey halkaasi ku soo bandhigeen heesooyin wadani ah oo aad ay u jecleysteen dhamaan ka soo Qeybgalayaasha waxaa halkaasi wacdaro ka dhigay fanaanka weyn ee ku soo caanbaxay dhaantada qoorta lajibiyo Al-fanaan Nuur Caraale oo dhamaan masraxa wada lulay qaar kamid ah oo warbaahinta lahadlay ayaa sheegay nuur Caraale in uu yahay fanaan aad loo wada jecelyahay.
Waxaa halkaasi khudbad kasoo jeediyay Gudoomiyaha Scandinavian Mudane Abdiaziz Serar Hashi oo uga Mahad Celiyay dhamaan Jaaliyadda DDSI sida sharafta leh ay Xaflada ay u soo buux dhaafiyeen waxey sharaf u tahay dawlada deegaanka Somalida itoobiya iyo Qurbajoogta DDSI oo Markasta u taagan munaasabad kasta loo dabaaldagayo ay Jaaliyadda DDSI ay diyaar u tahay in naf iyo maalba u huraan.
Waxaa kaloo halkaasi ka hadlay Mudane C/risaaq C/laahi Sh Bixii oo ah Guddiga Jaaliyadda isla markaana ah Xubin aad u firfircoon oo halkaasi khudbad dheer ka jeediyay isgoo ku buuriyay Jaaliyadda DDSI in ay taageeraan Itoobiyada cusub ee maanta hormarka aynu gaarnay maanta ay tahay guushii laga dhaxlay.
Dhamaan ka soo Qeybgalayaasha xafladda ayaa aad ugu faraxsnaa sanadka cusub ee 2009 sifa Quruxda Badan ay ugu dabaal dageen xafladda ayaa waxey ku soo gabagabooday guud iyo farxad
Comments are closed