Daawo Xujeyda ayaa maanta taagan buurta iyo banka Carrafo oo ugu weyn acmaasha Xajka

makkahMakkah (NogobNews) 11/09/2016

Xujey ku dhaw 2 Milyan oo qof ayaa maanta oo Axad ah taagan Carafo ee magaalada Barakaysan Makka, ku negaanshaha Carrafo ayaa ka mid ah arkaanta Xajka kuwa ugu muhimsan waxaana nebigu yiri nnkh “Xajku waa carrafo”, xujeyda ayaa habeenkii xalay ku sugnaa Mina iyaga oo gudanaya Maalinta Tarwiyah ee Mina.

Istaagida Carrafo kadib marka qoraxdu dhacdo ayaa Xujeydo ka dhaqaaqayaan halkaas waxay sii marayaan Mina iyaga uu tuuranaya Jamaaraadka, kadib waxay xoogaa ku negaan doonaan Muzdalifah, iyaga oo maalinta berri ah gawracaya Udxiyadoodi

Ilaa hadda gudashada waajibaadka Xajka oo bilowdey maalintii Jimacada ayaan wax dhibaato ah ka dhicin.

Amniga Xujeyda ayaa si weyn loo adkeeyey, iyada oo maalmaha ugu dhibka badan ay tahay gudahasha Jamaraadka oo ah maalmha ka danbeeya ciida udxiyada.

Sanadkii hore 2015 ayaa Xajka waxaa ka dhacay dhibaato aad u weyn, waxaana la aaminsan yahay dad ka badan 2000 oo qof in ay ku geeriyoodeen kadib markii la isjiirey, inkasta oo Sucuudigu ay shaaciyeen tirada dhimashadu in aysan ka badneyn 800 qof.

carafa1

carafa3

Comments are closed