Madaxweynaha DDSI oo Hambalyadda Munaasabadda Ciidal Adxaha darteed u diray Shacabka & Ciidanka DDSI Meel katay Joogaan

1473609014014Jigjiga (NogobNews) 11/09/2016

Madaxwaynaha dawlad Deegaanka Somalida itoobiya Mudane Cabdi Maxamuud Cumar
ayaa Shacabka Deegaanka iyo dalka Itoobiya  iyo dhammaan shucuubta kale ee muslimiinta ah ee caalamka ugu hambalyeeyay munaasibadda Islaamiga ah ee Ciidul Axdaa. Isagoo deegaanka u rajeeyay inay farxad ku ciidaan, kuna gaaraan ciidan ciideeda horumar, nabad, barwaaqo iyo midnimo.

Madaxweyne Cabdi ayaa sheegay in ciiddan ay kusoo beegmeyso xilli horumar laga sameeyey siyaasadda, ammaanka iyo dhaqaalaha deegaanka, Isla-markaana dadaalada loogu jiro sidii looga Miro dhalin lahaa hormarka xawliga ku socda deegaanka, Madaxweynaha  ayaa intaas ku daray in xukuumaddiisu ay ku dadaalayso sidii ay deegaanka uu uga mid noqon lahaa wadamada uu dhaqaalahoodu dhex-dhexaadka yahay.

“Waxaan shacabka deegaanka meel kasta oo ay ka joogaan leeyahay ku ciida farxad. Waxaan Illaah ka baryayaa inaynu ciiddan ciiddeeda ku gaarno farxad iyo horumar laga sameeyay guud ahaan deegaanka iyo adkaynta dowladnimadeenna,” ayuu hadalkiisa raaciyay.

Ugu dambeyntiina wuxuu yiri. “Waxaan rajaynayaa in farxadda ciidda ay adkayso midnimada iyo walaaltinimada dadka deegaanka oo dhan iyo wax-wadaagga dadkeennu ku sifoobay.”

Comments are closed