Wasiiraddii hore ee arrimaha dibadda iskaga kala dambeeyey ayaa shirkadda Balore ee Faransiiska ahi booqashooyin u geysay dekaddaha badan ee ay maamulaan oo ay u badan yihiin waqooyiga Afrika, haseyeeshee shirkaddan DP World oo tartanka mar dambe soo gashay ayaa xukuumadda Somaliland u ogolaaday inay dekadda Berbera maalgashato.
Wasiirka Arriamha Dibadda Somaliland Dr;Sacad Cali Shire ayaa sheegay in shirkaddo badan quud-daraynayeen inay maalgashadaan dekadda Berbera, haseyeeshee tartankii ay ku guulaysatay shirkadda Dp World.
Inkastoo dadka falanqeeya arrimaha dhaqaalaha ay door bidayeen in shirkadda Balore inay maalgashaddo dekadda Berbera ka fiicantahay shirkadda DP Wolrd, iyagoo ku saleeyey danaha ay kala leeyihiin labadan shirkadood.
Dadka dhaliilaya shirkadda DP World ayaa sheegay in aanay horumar badan ka samayn Karin dekada Berbera iyagoo ku sababeeyey in shirkadda DP World aanay marna ogolaan doonin inay ka horumariso dekadaha gobolka ku yaalla ee ayka mid tahay dekada Dubai, isla markaana aanay ogolaan doonin in dekaddi la tartanto dekadoodda Dubai, taas macnaheeduna noqonayso inay shirkadda DP World ay doonayso inay la wada wareegto dekadaha la jaarka ah ee dekadooda sida Jabuuti, Yemen iyo Somaliland si aanay usoo bixin dekadda ka dheeraysa dekadoodda, haseyeeshee haddii shirkadda Balore ee Faransiiska ah loo ogolaan lahaa inay maalgashaddo dekadda Bebera ay kaalin weyn ka qaadan lahayd gobolka, isla markaana la tartami lahayd dekadaha gobolka ku yaalla, maadaama oo shirkadda Faransiiska ee Balore aanay danno kale ka lahayn dekadda Berbera marka laga reebo macaashka ay ka rabto, isla markaana aanay jirin dekad u dhow oo Faransiis ah oo aanay rabin inay dekadda Berberi la tartanto ama ay dhaaftaba, taasina way fursad u siinaysa in dekadda Berbera noqon lahayd dekad caalami ah oo dekadaha kale ee mandaqadda ku yaalla la tartanta, waa sida ay ku doodayaan dadka doonayey inay shirkadda Balore maalgashato dekadda Berbera.
Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda Somaliland ayaa si rasmiya heshiish ula soo saxeexatay shirkadda DP Wolrd, taas oo xildhibaanadad golaha Wakiiladana laga sharciyeeyey, haseyeeshee waxa aan wali la xalin shaqaalaha dekadda ee loo yaqaan muruq maalka oo ka cabsi qaba in shirkadan cusubi shaqaale kale keensato iyo inay meesha ka baxaan, waxaanay wasiiradda hawshan loo xilsaaray la kulmeen dhawr jeer, balse waa lagu kala kacay oo xal waara kama soo bixin.
Dhanka kale, caqabadaha kale ee wali dhiman waxa kamid ah dadka deegaanka oo aan rabin in dekadda cid kale lagu wareejiyo, isla markaana si weyn uga soo horjeedda, taasina waxay u baahantahay in la xaliyo oo dadka deegaanka laga dhaadhiciyo faa’iidadda ugu jirta wareejinta dekadda iyo dheefta ka faa’iidayaan deegaanka ahaan shirkadda.
Inkastoo dadka arrimaha maalgashiga ka faaloodda ay tilmaamaan in marka shirkad goob maalgashado in inta badan shaqaale jaban ka keensado dibadda, isla markaana ay shirkaddu doonayso inay macaash badan hesho, sidaas darteed ay danaynayso shaqaale jaban oo wakhti badana shaqeeya, taasina waxay caqabad ku noqonaysa dadkii ka shaqaynayey inay dibadda uga baxaan, inkastoo xukuumaddu sheegtay in aanay marna shaqaaluhu ka bixin doonin wax ku soo kordha mooyee.
Xukuumadda ayaa turtaba dhibsatay wararka ay warbaahintu ka qorto heshiishkan, isla markaana sheegtay in aanay ogolaan doonin in la carqaladeeyo heshiishkan warbaahintu aanay ahayn inay heshiishyadan oo noocan oo kale ah oo ee aanay xogta ka hayn inay wax ka qoraan.
Wasiirka madaxtooyadda Maxamuud Xaashi oo ka mid ah guddida wasiiradda ah ee u xilsaarnaa heshiishkan iyo meel marintiisa, ayaa sheegay inay Xukuumadda Somaliland ka go;an tahay inay ka qabato Wariyeyaasha baahiyey warka ka dhanka ah heshiishka maalgashiga dekadda Berbera, isla markaana hanjabaad hawadda u mariyey warbaahinta qaarkood oo wax ka qoray heshiishka maalgashiga dekadda Berbera inay ku jiraan gacmo saddexaad oo aan ahayn DP World iyo Somaliland, iyagoo darafsadaxaad ku soo daray oo ah dalka Itoobiya inay qayb ka tahay darafyadda heshiishkaasi ku jira.
“Nasiib-darro qaybo ka mida warbaahinteenu iyadoo dunida sidaa inoo amaanayso oo magaceenii iibinayso ayey been iyo hadalalo yaqyaqsi leh ka qorayeen hesiiska, wuu burburay iyo waxan ayaa ku jira iyadoo la wada arkayo iyo gacan sadexaad ayaan saxeexday, waa wax aad iyo aad u fool xun oo qarankan sumcadiisa ceeb weyn ku ah, qarankan ma laha xisbiga KULMIYE Iyo xukuumadiisu, Axmed Siilaanyo iyo golaha wasiiradu kaligayo ma laha Umadda oo dhan ayuu ka dhaxeeyaa qaranku, maalinba cidbaa madax ka ah masuuliyadiisana ay tahay qofku inuu aragti dheer yeesho ayaa muhiim ah, haduu ku saleeyo garaad yar waa nasiib darro, dadkaa aan ka hadlayo waxa weeye waa rag kooban oo qalin duurayaal saxaafadeed ah oo si khaldan u adeegsada warbaahinta madaxa-banaan, oo u qaatay mihnada saxaafaddu inay tahay meherad lagu maxaafsado, ama lagu qadhaabsado, saxaafaddu maaha mihnad lagu qadhaabsado waa mihnad Umadda u dhex ah, xogo rasmiyana siisa, warar dhab ah siisa, xaqaa’iqa jira ka turjunta, dareenka bulshada muujisa, wacyigalisa, warbaahintu xikmad balaadhan ayey leeyahay, qarankan warbaahintiisa mudakarka ah ee doorka dheer ka soo qaatay intii qarankani uu jiray waanu ku hambalyeynaynaa. Waxaanu leenahay raga noocaa u fakaraya waanu u caqli celinayaa waanu waaninaynaa.”ayuu yidhi wasiirka Madaxtooyada Maxamuud Xaashi.
Waxaanu intaas ku daray. “ Nabad galayada qarankan iyo sumcadiisa in meel lagaga dhaco xukuumad ahaan inamada sidaa samayna waanu u caqli celinayaa haday ka waantoobi waayaaana waxay tagi doontaa in la toosiyo, qarankan qori ayaa laga soo xoreeyey, maalin ayuu qorigu khatar ku ahaa , oo wado walba wiil qori sitaa taagnaa oo baad dadka xoog kaga qaadayey, nin qori leh ayaa qarankan laga xoreeyey, waaba se nin qalin haysta oo budhcad badeed noqday looma dulqaadan karro, waanu ka xoraynaynaa.”
Ugu dambeyn, Arrintan uu wasiirku ka hadlay ayaa ka dambaysay ka dib markii la baahiyey warar ah in heshiishka maalgashiga dekadda Berbera ee u dhexeeya Somaliland iyo Shirkadda Dp Wolrd ay ku jirto gacan saddexaad oo ah dalka Itoobiya, haseyeeshee, wasiiraddu waxay xuseen in aanu warkaasi waxba ka jirin, islamarkaana gacan saddexaad ku jirin heshiishka ee labaddaasi dhinac yahay.
Comments are closed