Jigjiga (NogobNews) 12/09/2016
Culimo aw-diinka ku dhaqan caasimada gobolka ee magaalada hargeele ayaa ka warbixiyeen fadaa isha iyo farxada munaasabadan ciidul adxa ay leedahay. Waxaa kale oo kula hadlay munaasabadan ciidal axda shacabka, gudoomiyaha gobolka afdheer mudane Axmed Shuun Sugule. Wuxuna ugu horayntii hambalyo u diray dhamaanba umada islaamka kuwa itoobiya gaar ahaan kuwa deegaanka. Wuxuuna ilahay uga baryay in sanadka sanadkiisa horumar iyo saxilooni buuxda ku gaadhsiiyo. Gudoomiyaha ayaa ka warbixiyay ahmiyada ay leedhaay nabadgalyadu iyo in ay diinta islaamku tahay diin nabadgalyo islamarkaana tilmaamay in ay jiraan kooxo gabaad ka dhiganaya diinta islaamka balse aan sal iyo raad toona ku lahayn diinta islaamka. Gudoomiyaha ayaa bulshada ku booriyay in ay sii adkeeyaan xasiloonida balaadhan iyo horumarka ka hirgalay deegaanka iyo gobolka.
Comments are closed