haddaba Madaxwayne ku xigeenka ahna wasiirka waxbarashada DDSI mudane Mawliid Haayir ayaa sheegay in dadaalada ay xukuumada DDSI ugu jirto hirgalinta qorshaha koboca iyo isbadalka dhaqaalaha wajigiisa labaad ay laf dhabar u tahay xoojinta iyo kor u qaadita tayada waxbarashada. Madaxwayne ku xigeenka DDSI ayaa tibaaxay in lagu jiro wakhtigii loo diyaar garoobayay bilowga sanad dugsiyeedka 2009TI taasi oo loo baahay yahay ayuu yidhi madaxwayne ku xigeenku in bulshada lagu abaabulo sidii dhamaan caruurta gaadhay dada waxbarashada loo gayn lahaa goobaha waxbarashada,sidii dugsiga loogu soo celin lahaa haddii ay jiraan arday loox tuurtay iyo in bulshada lagu wacyigaliyo muhiimda ay leedahay waxbarashada dadka waawayn. Madaxwayne ku xigeenka ayaa ku booriyay kooxahan in ay guul ka soo hooyaan abaabulka iyo wacyigalinta bulshada, gaadhaana dhamaan degmooyinka deegaanka, tuulooyinka iyo tuulo hoosaadka deegaanka.
Comments are closed