Hogaaminta Jaaliyada DDSI Ee Wadanka UK Oo Kulan La Yeeshay Safiirka Itoobiya U Fadhiya Ingariiska.

0000lon1London (NogobNews) 15/09/2016

Kulan ay yeesheen hogaaminta jaliyada DDSI ee wadanka UK  iyo safiirka itoobiya u fadhiya wadanka UK ayaa ka dhacay hoolka shirarka ee safaarada dalka itoobiya ku leedahay wadanka Ingiriiska. Kulankaasi ayaa waxay ujeedadiisu ahayd sidii ay  jaaliyadu u sii xoojin lahayd ka qayb qaadashada hawlaha horumarka nabadgalayda iyo maamulka suuban ee ka hanan qaaday dalka iyo  DDSI  gaar ahaan sidii ay jaaliyada u sii xoojin lahayd hawlaha maalgashiga.

Kulan kaasi ayaa waxaa hogaaminayay Safiirka Itoobiya u fadhiya dalka Ingariiska Ambassador Hailemichael Aberra Afework iyo Qunsulka ahna Madax Arrimaha Qurbajoogta itoobiya ee wadanka UK Mudane Fekadu Beyene waxaana ka soo qaybgalay

Mas’uuliinta Jaaliyadda DDSI Ee UK uu kamid yahay Gudoomiyaha Jaaliyadda DDSi UK Mudane Cali Taqal iyo Gudoomiyha Ururka Hormarinta Somalida Itoobiya Ee UK Marwo Sacdiya Cabaas,  Gudoomiyha Ururka Haweenka Jaaliyadda DDSI Ee Uk Kowsar Abdi dacar iyo Ugaas Xasan Maxamed oo ka mid ah aqoon yahanka jaaliyada DDSI ee wadanka Uk.

Safiirka ayaa ugu horayntii ugu mahad naqay jaaliyada DDSI ee wadanka UK sida balaadhan ee ay uga qayb qaataan hirgalinta hawlaha horumarka iyo nabadgalayda,  Sida markasta ay uga Qeybqaataan Howlaha lagu hormarinayo dalka iyo gaar ahaan Deegaanka Somalida itoobiya ka qurbjoog ahaan sida weyn ay u maalgashteen deegaanka. Safiirka ayaa sharax dheerka bixiyay jihooyinka siyaasadeed, dhaqaale iyo nabadgalyo ee u dajisan dalka. safiirka ayaa u sheegay jaaliyada in loo diyaariyay qorshaha ah  nidaamka  hagaha habraacyada shaqada ay jaaliyadu u shaqayn lahayd kaasi oo ka qaybqaadanaya isku xidhka jaaliyada iyo sii xoojinta hawlaha horumarka iyo maalgashiga dalka. sidoo kale waxa uu safiirka tilmaamay guulaha waawayn ee sanadihii ugu danbeeyay dalku gaadhay sida kor u qaadida koboca dhaqaalaha, kaabayaasha dhaqaalaha, hirgalinta adeegyada horumarinta bulshada sida waxbarashada, caafimaadka, biyaha jidadk isgaadhsiinta iyo guud ahaanba adeegyada bulshada.

20160915_180908Dhankooda hogaaminta jaaliyada DDSI ee wadanka UK  ayaa ka warbixiyay sida ay jaaliyadu uga go’antahay ka qayb-qaadashada hawlaha horumarka nabadgalyada iyo maalgashiga, waxayna safiirka u sheegeen in ay jaaliyada DDSI meel uga soo wada jeedo sidii loo tir tirilahaa aragtida dherginimada, dulsaarnimada  loona xoojin lahaa  higalin aragtida horumarineed.

20160915_181802Ugu danbayntii kulankaasi ayaa lagu soo gabagabeeyay sidii loo dar-dargalin lahaa geedi socodka shaqada jaaliyada DDSI ee wadanka UK , hawlaaha maalgashiga dalka iyo deegaanka iyo sii xoojinta hirgalinta horumarka nabadgalyada iyo maamulka suuban.

Comments are closed