Qooxle Iyo olalaha Diwaan-galinta Waxbarashada Degmada Qooxle

qoxQooxle (NogobNews) 16/09/2016

Waxaa maanta xarunta degmada qooxle ee gobolka afdheer kadhacay kulankii abaabulka iyo ol-olaha diwaangalinta waxbarashada oo ay kasoo qaybgaleen gudoomiye kuxigeenka gobolka afdheer mudane Cabdi Maxamed Ibraahin,kusimaha gudoomiyaha ahna maareeyaha wakaalada dakhliga degmada mudane Cabdikaafi Dhoof, kooxda abaabulka ol-olaha waxbarashada heer deegaan oo uu hogaaminayo mudane Axmed Yaasiin iyo qaybaha kaladuwan ee bulshada.

Kulankan balaadhan ayaa waxaa ugu horayn furay gudoomiye kuxigeenka gobolka afdheer mudane Cabdi Maxamed Ibraahin oo bulshada reer qooxle kalahadlay muhiimada ay waxbarashadu leedahay islamarkaana kubooriyay bulshada inay keenaan carruurtooda gaadhay da’da waxbarashada iyo inay isu diwaangaliyaan waxbarashada dadka waa wayn.

Sidoo kale kusimaha gudoomiyaha degmada mudane Cabdikaafi ahna maareeyaha wakaalada dakhliga iyo teamka abuubulka oo iyana goobta kahadlay ayaa bulshada kuwacyigaliyay diwaangalinta waxbarashada iyo inay waalidiintu mas’uul kayihiin hadii la arko ilmo da’da waxbarashada gaadhay oo aan lakeenin goobta ugu dhaw dugsi waxbarasho. Waxayna intaa kudareen, in dadka waa wayn laftigiisu uu isu diwaangaliyo waxbarashada dadka waa wayn.

Ugudanbayna, bulshada ayaa balanqaaday inay caruurtooda iyo kuwa kaleba keenayaan islamarkaan soo diwaangalinayaan dugsiyada waxbarashada iyagoo laf ahaantoodu kaqaybqaadan doona waxbarashada dadka waa wayn.

Comments are closed