Shirka ololaha Diwaan-galinta Waxbarashada Oo Ka Furmay Magaalada Dhagaxbuur.

dhagaxbuueDhagaxbuur (NogobNews) 16/09/2016

waxaa ka furmay madasha  shirarka ee M.M dhagaxbuur shirka  waxbarashada iyo ol-olaha diwaangalinta waxbarashada ee sanad dugsiyeedka 2009TI.

Shirkan  waxaa ka soo qaybgalay masuuliyiinta maamulka gobolka jarar oo uu ka mid yahaygudoomiyaha gobolka jarar mudane Cabdi Cali Mataan, maayirka maamulka magaalada dhagaxbuur, mudane Maxamed Xasan Suufi, kooxda isku dhafka ahayd ee ka socoday heer deegaan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan M.M dhagaxbuur.

Waxana ugu horayntii ka hadlay gudoomiyaha gobolka jarar mudane Cabdi Cali Mataan oo ka warbixiyey ahmiyada ay leedahay waxbarashada iyo sidii loo diwaan galin lahaa dhamaanba caruurta da’doodu gaadhay goobaha waxbarashada.

Waxaa kale  oo ka  hadlay shirkan masuuliyiin ay ka mid yihiin  maayirka maamulka magaaladadhagaxbuur mudane maxamed xasan suufi iyo masuuliyiinta hogaaminaysay kooxda ka socoday heer deegaan ee u socoday abaabulka waxbarashada kuwaasi oo dhamaantood ka warbixiyay ahmiyad ay leedahay waxbarashadu iyo dadaalka ay xukuumada DDSI ugu jirto sidii loo tir-tirilahaa jahliga.

Dhankooda qaybaha kala duwan ee bulshada ku shaqan mm dhagaxbuur ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin ay caruurtooda gaadhay dada waxbarashad goobaha waxbarashada.

Comments are closed